Home Wararka Maanta Ciidanka Danab iyo Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray Farsooley

Ciidanka Danab iyo Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray Farsooley

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Danab ay xalay gudaha u galeen deegaankaasi oo 30km jihada waqooyi uga beegan Degmada Qoryooley, iyaga oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay xoog kaga gudbeen kontoroolka laga galo Farsooley oo Shabaabku ay fariisimo ku leeyihiin, balse uu dagaal culus ku qabsaday gudaha deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay deegaanka, intii uu dagaalku socday, isla-markaana ay diyaaradaha dagaalka duqaymo ka gaysteen deegaankaasi.

Illaa lix guri oo jiingado ka sameysnaa iyo goobo ganacsi ayaa la ogyahay in ay ku burbureen dagaalka ka dhacay deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka Danab ay dib uga baxeen Farsooley, ka dib saacado ay ku sugnaayeen.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu bartilmaameedkiisu ahaa xubno ka tirsan Al Shabaab, iyadoona ay ciidamadu sheegeen in lagu dilay shan nin oo ka tirsanaa maleeshiyada.

Taliska Kumaandooska Danab ayaa war qoraal ah ku sheegay in mid ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab oo watay walxaha qarxa uu is qarxiyay, intii uu hawlgalku socday, balse aanu wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada.

“Intii uu socday hawlgalka, mid ka mid ah Khawaarijta ayaa isku qarxiyay walxaha qarxa ee uu xirnaa, hase yeeshee wax khasaare ah ma gaarsiin Ciidanka Kumaandooska Danab.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu xusay “Qaraxa ayaa sababay in dab qabsado dhismayaal ay ku kaydsanaayeen hub iyo agab ciidan, waxaana halkaas ku burburay kaydkii hubka ee Khawaarijta. Sidoo kale, horjoogeyaasha Khawaarijta ayaa ka baxsaday goobta, markii ay ogaadeen in Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ay gaareen aagga hawlgalka.”

Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, illaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in hawlgalada militari ee noocan oo kale ah ay si toos ah u wiiqayaan awoodda Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc