Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo booqasho ku maraya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Arbacadan booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa halkaasi ku booqday xoogag ka tirsan Ciidanka Guutada 19aad, Qaybta 1aad ee Kumaandooka Gorgor iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo qaybtood uu tababar uga socdo dugsigaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay inay dugsiga ku qaadanayaan tababaro aasaasi ah oo lagu tayeynayo aqoontooda ciidan, xirfadaha dagaalka iyo u diyaargarowga hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
“Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha dugsiga iyo macalimiinta tababarka, iyagoo ku bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo tayada ciidamada. Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirigeliyeen inay ka faa’iideystaan tababarka, ilaaliyaan anshaxa ciidanimo, kana shaqeeyaan difaaca dalka, shacabka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Dugsigan ayaa ku yaala duleedka Degmada Warsheekh, kaas oo dhawaan dib loo hawlgeliyay, ka dib markii uu ku burburay dagaalkii sokeeye ee dalka, wuxuuna dugsigu hadda ka mid ah dugsiyada lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka.
Kormeerka Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga ay ku taggeen dugsiga ayaa imanaya, xilli ay fulinayaan qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda saareysa istiraatiijiyad militari oo lagu dardargelinayo hawlgalada Hirshabelle iyo Galmudug, oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ee deegaanada doorashooyinka maamuladaasi.
