Home Wararka Maanta Saddex horjooge oo Shabaab ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Baqdaad

Saddex horjooge oo Shabaab ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Baqdaad

by Laacib

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa war ka soo saaray weerarkii qorsheysnaa ee ay maanta Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ku qaadeen deegaanka Baqdaad ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay hawlgalka ku dileen lix xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen saddex horjooge oo nool.

“Intii uu hawlgalka socday, Ciidamada Danab ayaa khasaare gaarsiiyay Khawaarijta, waxaana lagu dilay 6 maleeshiyaad ah, halka 3 horjooge oo ka tirsan Khawaarijta lagu soo qabtay iyagoo nool.” Ayaa lagu yiri warka.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa soo bandhigay meydadka xubnihii Al Shabaab ee lagu dilay dagaalka iyo hub ay ciidamadu ka furteen maleeshiyada.

Taliska ayaa dhanka kale sheegay in hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan, isla-markaana ay ciidamadu ka go’an tahay sugidda amniga iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.

Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaarado dagaal ayaa Arbacadan gudaha u galay deegaankaasi, oo ku yaala inta u dhaxeyso deegaanada Kaamjiroon iyo Hoosingow oo hoostaga Dagmada Badhaadhe.

Ciidamada ayaa la sheegay inay saacado ka dib ka soo baxeen deegaankaasi, iyadoo aan la aqoon sababta.

Wasaaradda Gaashaandhiga oo dhankeeda warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgalkan ayaa lagu sheegay “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xoreeyo deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.”

Gobolka Jubbada Hoose, qaybo ka mid ah ayaa waxaa ka socdo hawlgalo ay saraakiishu sheegeen in lagu wiiqayo Al Shabaab, loogana saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc