Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, General Metin Tokel ayaa Jimcahan booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in labada maalmood ee soo socda uu sii joogi doono caasimadda.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada ku soo dhaweeyay dhiggiisa Turkiga.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlin socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga ee magaala madaxda dalka iyo waxa uu la xiriiro, ha yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya in uu daaran yahay hirgelinta heshiisyada difaaca ee labada dal ee Muqdisho iyo Ankara ay ku xoojinayaan iskaashiga militari iyo wada-shaqaynta hawlgalada ee labada ciidan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiisha Somaliya iyo Turkiga ay Muqdisho ku yeelanayaan wada hadalo si dhow looga hadlayo qorshe soo socday oo Turkiga uu ku ballaarinayo tababarka iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.
Turkiga ayaa ah xulafo muhiim ah oo Somaliya ay leedahay, kaas oo ka taageera dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, xoojintooda iyo in loo diyaariyo difaaca dalka.
Booqashada General Metin Tokel ee Muqdisho ayaa ka badan karta muddada uu qorshuhu yahay in uu joogo, oo ah laba maalmood.
Jadwalka safarka ee jananka ayaa la bedeli karaa, haddii ay soo baxaan howlo dheeraad ah oo ay lagama maarmaan noqoto in la daboolo.
