Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Saraakiil ku biiraya Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda qalin jebinta ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, General Metin Tokel, Saraakiisha Dugsiga TURKSOM, diblomaasiyiin iyo xubno kale.
Saraakiishan oo isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ayaa la filayaa in ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta Ciidanka Qaranka Somaliya iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ayaa waxaa si joogta ah tababar loogu soo xiraa Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Militariga Somaliya.
Xerada TURKSOM ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, wuxuuna diiradda saaraa tababarka ciidamada, waxbarashada iyo dhisidda awoodda difaaca.
Turkiga ayaa gacan weyn ka gaysta taageerada dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya iyo casriyayntooda, iyadoo loo marayo iskaashi ku dhisan heshiisyada labada dal.
Doorka Turkiga ee Somaliya waa mid muuqdo oo udub dhexaad u ah dhismaha ciidamada iyo in Somaliya mar kale ay cagaheeda isku taagto.
