Home Wararka Maanta Saraakiisha Turkiga oo Ciidamada Somaliya ku tababaraya Dugsiga Qorilow

Saraakiisha Turkiga oo Ciidamada Somaliya ku tababaraya Dugsiga Qorilow

by Laacib

Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah wejiga labaad ee tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya uga bilaabaya Dugsiga Qorilow ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballaarinta xarumaha iyo xoojinta iskaashiga difaaca ee Somaliya iyo Turkiga, iyadoo xiriirka labada dal uu xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn ee sare loogu qaadayo tababarka ciidamada uu yahay, si wax looga qabto amniga guud ee dalka.

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow ayaa ku yaala duleedka Degmada Warsheekh, waxaana xusid mudan in Dowladda Federaalka ay dhawaan dib u hawlgelisay, ka gadaal markii uu ku burburay dagaalkii sokeeye ee dalka.

Dugsigan oo horey loogu tababari jiray Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda awood u leh in mar kale lagu tababaro Ciidamada Qalabka Sida.

Dugsiga Qorilow ayaa loo diyaariyay xero weyn oo hal mar lagu tababari karo ku dhawaad kun askari.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Arbacadii booqday xeradan, oo ay degan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, waxaana ku xareysan ciidamo cusub oo lagu wado in si rasmi ah halkaasi loogu tababaro.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, General Metin Tokel oo Jimcihii ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa dalka u yimid hirgelinta heshiisyada difaaca ee labada dal, oo qayb ka ah in la kordhiyo tababarka ciidamada.

Saraakiisha Militariga Turkiga ayaa ku dhawaad muddo 10 sano ah ciidamada ku tababari jiray Dugsiga TURKSOM ee duleedka Muqdisho iyo qaarkood oo tababaro dheeraad ah loogu qaado dalkaasi Turkiga, haddase xeryaha ay ku tababarayaan ciidamada ee dalka gudihiisa, isla-markaana diyaarka ah ayaa ah laba xero.

Turkiga ayaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay Somaliya leedahay, wuxuuna si firfircoon uga taageeraa dib-u-dhiska ciidamada, tayayntooda, amiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc