Home Wararka Caalamka Bahrain oo la kulantay weerar Cluster ah

Bahrain oo la kulantay weerar Cluster ah

by Laacib

Ciidamada Iran ayaa xalay gantaalo iyo diyaaradaha aan duulaha lahayn ku weeraray magaala madaxda Bahrain ee Manama, halkaas oo laga maqlay seeriga digniinta ee duulaanka hawada.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay beegsadeen saldhig taageero Ciidanka Badda Mareykanka oo ku yaala Manama iyo sidoo kale Saldhigga Ciidanka Cirka ee Sheikh Isa oo ku yaala xeebta Gacanka Faaris (Fars) ee Koonfurta Bahrain.

Taliska ayaa sheegay in gantaalka madaxyada badan qaada ee Cluster uu qayb ka ahaa gantaalada loo adeegsaday weerarka ay ciidamadoodu ku qaadeen dalkaasi.

Hawada Bahrain ayaa lagu arkay gantaal kooxeed ay Iran ku soo ridday dalkaasi. Muuqaalada ay dadku duubeen ayaa muujinaya madaxyo badan oo wada socda, ka hor inta aysan garaacin bartilmaameedyadooda.

Halkii gantaal ee Cluster ayaa xambaari kara tobanaan illaa boqolaal walxood oo qarxa ama madaxyo badan oo bambaanooyin yaryar ah.

Gantaalkan oo u sameysan, sida weel weyn oo kale ayaa kala furma, wuxuuna goobo kala duwan ku kala firdhiyaa madaxyada qarxa.

Gantaalka Cluster-ka ayaa hawada ku kala furma, marka uu bartilmaameedku ku dhow yahay, si uu u firdhiyo madaxyada uu xambaarsan yahay.

Bambaanooyinka ayaa mid kasta uu si iskiis ah uu u qarxaa, marka uu ku dhaco bartilmaameedka, wuxuuna baabi’iyaa waxa goobta yaala.

Wasaaradda Difaaca Bahrain ayaa xaqiijisay in Iran ay adeegsatay gantaalka Cluster, taasoo muujneysa kor u kac weyn oo ku yimid colaadda Bariga Dhexe.

Weerarka ayaa imanaya, xilli xiisadda gobolka ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ee ka taagan marin biyoodka Hormuz ay sii xoogeysaneyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc