Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe ayaa xalay habeenkii shanaad si xiriir ah u garaacay bartilmaameedyada ku yaala gudaha Iran, si loo xaqiijiyo yoolasha Dowladda Mareykanka ee ku aaddan in waqti yar Ciidamada Qalabka Sida ee Iran looga dhigo kuwo aan weeraro gaysan karin.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxsanaya dagaal waqti dheer oo lala galo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, sababtoo ah wax dan ah uguma jirto Washington, taasi bedelkeedana ay Tehran tahay cidda faa’iidada ku qabta, si ay dunida ugu muujiso inay tahay dal aan la jebin karin.
Iran ayaa waxay mar horeba ku guuleysatay in ay joojiso dhaqdhaqaaqa maraakiibta booyadaha shidaalka ee ka gudba Marinka Hormuz, taasna waxay dunida gelineysaa xasillooni darro dhaqaale iyo in wax kasta ay qaaliyoobaan.
Iran ayaa waxay ogtahay sii socoshada dagaal aan natiijo lahayn inuu dharbaaxo siyaasadeed ku yahay Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump, oo la qiyaasayo in uu lumin doono codadka doorashada xilliga dhexe Mareykanka ee la qabanayo bisha November.
Dagaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu khatar gelinayo aqlabiyadda Xisbiga Jamhuuriga (GOP) ee Congress-ka Mareykanka. Dagaalka ayaa hoos u dhigay taageerada Madaxweyne Donald Trump ee dadka dalkaasi.
Maamulka Donald Trump ayaa diidmo adag kala kulmaya shacabka Mareykanka, oo ka soo horjeeda dagaalka ay ciidamadooda kaga jiraan Bariga Dhexe, waxayna u arkaan dagaal aan iyaga khusayn amaba aan gebi ahaanba loo baahneyn, iyadoo dagaalkan uu dhibaato sicir barar ah ka abuuray dalkaasi.
Gudaha Mareykanka ayaa waxaa ka jira walaac ku aaddan in dagaalku uu noqdo mid daba dheeraada, waxayna qoysas badani ka walaacsan yihiin masiirka wiilashooda iyo hablahooda ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee la dagaalamaya kuwa Iran.
Madaxweyne Trump iyo kooxdiisa ayaa welwel ka muujinaya in dagaalku uu cawaaqib ku yeesho taageerada codbixiyeyaasha ee Xisbiga Jamhuuriga.
Maamulka Trump oo doonaya in ay diiradda saaraan ololaha Doorashooyinka Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa dhinaca kale dardargelinaya dagaalka badda iyo hawada ee Iran, si loo xadido awoodda Ciidamada Iran, isla-markaana loo soo afjaro muranka cidda maamuleysa marin biyoodka Hormuz.
Trump ayaa waxaa ka dhaadhacsan in dagaal muddo cayiman, balse la ballaarinayo weerarada cirka iyo badda uu ka hortagayo khasaare baaxad leh oo ay la kulmaan Militariga Mareykanka ee ku sugan gobolka, burbur dhaqaale iyo in laga adkaado Iran.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa riixaya in Ciidamada Mareykanka ay si dhakhsa ah u burburiyaan kaabeyaasha militari ee Ciidamada Iran ee dhulka ku teedsan xeebaha. Hase yeeshee khubarada dhanka militariga ayaa ka digaya in qorshaha muddada gaaban uu yahay mid aan si fudud loo xaqiijin karin, sababo dhowr ah oo xaqiiqda salka ku haya awgood.
Ciidamada Iran ayaan keliya adeegsan doomaha iyo maraakiibta yaryar ee diyaarka ku ah dhulka xeebaha ee ku dhirirsan Gacanka Faaris, balse waxay kaloo adeegsadaan diyaarado drones iyo gantaalo casri ah oo ugu kaydsan dalka oo dhan, kuwaas oo si joogta ah ay ugu adeegsadaan hawlgaladooda, waana tan ka hortageysa in Mareykanku uu maalmo ku wada baabi’iyo.
Marka laga soo tago in Ciidamada Iran ay ku guuleysteen inay xayiraan isu socodkii maraakiibta ee Hormuz, haddana mar kasta oo weerar uu uga yimaado Mareykanka, waxay duqaymo aargoosi ah ka gaysanayaan saldhigyada uu ku leeyahay dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa Carabta.
Iran ayaa waxaa la sheegaa in ay adeegsato hub iyo aalado uu qiimahoodu jaban yahay, arrintaas oo khasaare ku ah Mareykanka oo qiimo badan uu ugu fadhiyo hubka iyo sahayda uu u isticmaalayo weerarada dalkaasi.
Iran ayaa waxay kaloo gobolka ku leedahay ururo aad u hubeysan oo ay bari-taarto, kuwaas oo gacan ka gaysan kara in la waayo maraakiib goorahaan batroolka iyo gaaska ka dhoofiya gobolka.
Caqabadaha isku dhafan ee militariga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa wax adag ka dhigaya in muddo gaaban ay Iran isku dhiibto.
Doorka diblomaasiyadda iyo dhexdhexaadinta ay wadaan dalalka qaaradda iyo gobolka sida Qatar, Cumaan iyo Pakistan ayaa ah xalka aasaasiga ah ee lagu dejin karo xiisadda Mareykanka iyo Iran.