Home Wararka Caalamka Iran oo ka hortimid heshiis hal dhinac ah in lala galo Mareykanka

Iran oo ka hortimid heshiis hal dhinac ah in lala galo Mareykanka

by Laacib

Dowladda Iran ayaa waxay sheegtay inaysan diyaar u ahayn in heshiis hal dhinac ah ay la gasho Dowladda Madaxweyne Donald Trump.

Madaxa Wada-xaajoodka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa ku dhawaaqay in Tehran ay ka soo horjeeddo heshiis hal dhinac ah ama mid ay shuruudihiisa wataan Mareykanka oo keliya.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab ah oo Tehran ay ku sii waddo u hoggaansanaanta heshiis ama warqad ay ku qoran yihiin qodobada heshiiskii is afgaradka ee bishii June ay la galeen Mareykanka, haddii aan si buuxda loo fulinayn qodobadaasi.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in ballanqaadyada diblomaasiyadeed ay khasab tahay inay ahaadaan kuwo labada dhinacba ka wada shaqeeyaan.

Ghalibaf ayaa tilmaamay in heshiisyadu ay macno sameynayaan oo keliya, marka dhinacyadu ay si siman u fulinayaan waxa lagu heshiiyay, wuxuuna ku adkeystay in aan la aqbali karin heshiis hal dhinac ah.

Hadalkiisan ayaa imanaya maalin ka dib, markii Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Ciidamada Mareykanka ay Talaadada soo socota burburin doonaan xarumaha korontada iyo buundooyinka Iran, haddii aysan Tehran dib ugu soo laaban miiska wada hadalka, si loo gaaro heshiis.

Mareykanka iyo Iran ayaa ku dagaalamaya gacan ku haynta iyo maamulka marin biyoodka Hormuz.

Mr. Ghalibaf ayaa sheegay in Iran ay dagaal masiiri ah kula jirto Mareykanka, isagoo intaasi ku daray in amniga qaranka ee dalkiisa uu ku xiran yahay ilaalinta hab-maamuuska Tehran ay ku maamusho Marinka Hormuz.

Ghalibaf ayaa ka digay in wax kasta oo fara-gelin ah oo Mareykanka ku sameeyo Marinka Hormuz ay ka dhalan doonto jawaab adag.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc