Home Wararka Caalamka Weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday Dekedda Hodeidah ee Galbeedka Yemen

Weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday Dekedda Hodeidah ee Galbeedka Yemen

by Laacib

Qaraxyo xoogan ayaa xalay ruxay Dekedda Hodeidah ee Galbeedka Yemen, xilli ay sii kordheyso xiisadda Mareykanka iyo Iran ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa goobjoogeyaal ayaa ku warantay in qaraxyo laga maqlay Dekedda Hodeidah oo Xuutiyiinta ay gacanta ku hayaan.

Telefishinka afka Xuutiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in gantaalo ay ku dhaceen xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Qaranka ee Magaalada Hodeidah. Telefishinka ayaa sidoo kale sheegay in weerar kale lagu qaaday Jasiiradda Kamaran oo ku taal xeebta galbeed ee Yemen. Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in qof dumar ahi ay ku dhaawacantay weerarka Jasiirada Kamaran, sida uu telefishinku sheegay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ku eedeysay in uu ka masuul yahay duqaynta dhanka cirka ee lagu qaaday Dekedda Hodeidah.

Wasaaradda ayaa ka digtay in Sacuudigu uu qiimo badan ku bixin doono weerarka ay ku eedeysay inuu ka gaystay dekeddaasi, isla-markaana uu ururku ka jawaabi doono weerarkaasi.

“Beegsiga Hodeidah, nidaamka Sacuudigu wuxuu sameeyay kor u kaca sii kordhaya, oo ah astaan qeexeysa marxaladda soo socota.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed.

Tallaabadan ayaa ah middii ugu dambeysay ee uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee Bariga Dhexe, iyadoo gobolka ay ku dagaalamayaan Mareykanka iyo Iran.

Magaalada dekedda leh ee Hodeidah ayaa ah marin muhiim ah oo nolosha dadka ku xiran tahay, gaar ahaan qaybaha Yemen ee ay maamulaan Xuutiyiinta. Dekeddan waxay qaabishaa inta badan badeecadaha ganacsiga iyo gargaarka bani’aadantinimo ee loo soo raro Waqooyiga Yemen ee ay gacanta ku hayaan Xoogaga Xuutiyiintu.

Xuutiyiinta Yemen waa urur aad u hubeysan oo ka jira dalkaasi, waxayna gacanta ku hayaan inta badan dhulka dalkaasi.

Xuutiyiinta Yemen waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah ururada ugu weyn ee siyaasadeed iyo militari ee ka jira Bariga Dhexe, wuxuuna ururka reer Yemen uu saamayn xoog leh ku leeyahay Badda Cas iyo marin biyoodka Bab El-Mandeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc