Qarax ayaa Khamiistan ka dhacay Dekedda Rotterdam, iyadoo hal qof uu ku dhintay, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Booliska Netherlands.
Boolisku waxay sheegeen in qaraxu uu ka dhacay dekedda, isla-markaana la xiray goobta, si loo ogaado waxa sababay qaraxa.
Qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ku sheegeen in qaraxu uu u muuqdo mid ka dhashay shil shaqo xilligan, iyagoon faahfaahin dheeraad ah bixin.
Shil shaqo ayaa waxaa loola jeedaa ama uu ka dhigan yahay in dhacdadu aanay ahayn mid si ula kac ah loo gaystay ama weerar la soo abaabulay, balse ay tahay shil ku yimid khalad farsamo, inta lagu guda jiray howl maalmeedka shaqada.
Afhayeenka Booliska Rotterdam, Daan Valkenburg ayaa mar dambe sheegay inaanan weli la gaarin wax gunaanad rasmi ah oo ku aaddan natiijada dhacdada, isla-markaana aan meesha laga saari karin dhammaan ku-tala-galada suurtagalka ah.
Baareyaasha ayaan weli aqoon sababta dhabta ah ee ka dambeysa qaraxa, baaritaankuna uu weli socdo.
Dekedda Rotterdam (Port of Rotterdam) oo ku taala Galbeedka Netherlands ayaa ah dekedda ugu mashquulka badan, uguna weyn Yurub.
