Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta qarameysay ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan Degmada Saaxo ee galbeedka Gobolka Mudug.
Puntland ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay ciidamada deegaanka iyo hubkoodaba, iyadoo ciidamadan oo boqolaal gaaraya ay ku biirayaan Daraawiishta Puntland.
Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, laguna mideynayo awoodda ciidamada ee ka hawlgala gudaha Puntland.
Qorshaha lagu xoojinayo amniga Puntland ayaa ah mid dib-u-habayn loogu sameynayo Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo laga hortagayo fara-gelinta amni ee ay Puntland ku eedeysay Dowladda Federaalka inay ku hayso maamulkaasi.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Saraakiisha Ciidamada Puntland ay Gobolka Mudug, qaybta Puntland ka wadaan diiwaangelin lagu sameynayo ciidamada ku sugan gobolkaasi.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo habeenkii Sabtida Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ka hawlgala gobolkaasi ayaa kula dardaarmay adkaynta amniga Puntland, isla-markaana ay xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo waajibaadka ka saaran sugidda amniga.
Madaxweyne Deni oo 5-tii bishan shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ciidamada ay Dowladda Federaalka ka qoratay deegaanada Puntland ku booriyay inay isa soo dhiibaan, isla-markaana ay ka mid noqdaan ciidamada kale ee Puntland.
Puntland ayaa diidan in ciidamo aan ka amar qaadan maamulka ay ka hawlgalaan deegaanadeeda.
