Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta dad shacab ah ku rasaaseeyay Degmada Waaberi, xilli dadkaasi ay dhigayeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan in guryahooda la burburiyo.
Ciidamada ayaa saaka dadka ku dhaqan xaafadda Buulo Eelaay ee degmadaasi ku wargeliyay in ay ka guuraan guryahooda, ugu dambayn maalinta Jimcaha, iyagoo u sheegay in haddii kale xoog lagu burburin doono.
Dadka deegaanka oo ku kadsoomay amarkaasi ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan in laga barakiciyo guryahooda, tani oo keentay in Ciidanka Booliska ay rasaas nool nool u adeegsadaan dadkaasi, si loo kala eryo.
Dadkan ayaa ka cabanaya in si sharci darro ah lagu burburinayo guryahooda, iyagoo haysta dokumentiyo sharci ah, isla-markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir diidan yahay in uu eego, si loo xaqiijiyo milkiliyadda ay u leeyihiin guryahaasi.
Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya rabshado ka dhacay xaafaddaasi, markii shacabku ay bilaabeen inay waddooyinka xiraan, isla-markaana ay taayaro ku gubaan.
Muuqaalada ayaa laga arki karay ciidamada oo rasaasta nool nool u adeegsanaya qoysaska ka hortagaya in si xoog ah guryahooda lagu qaato.
Laba qof oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, oo iyaga loo adeegsanayo Hawlgalka Cagafta ee lagu burburiyo guryaha ay dadka shacabka ahi degan yihiin.
Hawlgalka Cagafta ee lagu dumiyo guryaha shacabka ee ku yaal Muqdisho ayaa dhaliyay cabsi, walaac iyo carro xoogan. Dadka reer Muqdisho ayaa dareemay dhibaato iyo in aan la ilaalin xuquuqdooda iyo hantidooda.
Madaxda sare ee dalka ayaa lagu dhaliilaa inaysan tixgelin walaaca iyo cabashada ay qabaan dadweynaha.