Home Wararka Maanta Isbahaysiga Sacuudiga oo ka hadlay duqaymaha Yemen iyo digniin uu u jeediyay Xuutiyiinta

Isbahaysiga Sacuudiga oo ka hadlay duqaymaha Yemen iyo digniin uu u jeediyay Xuutiyiinta

by Laacib

Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen ayaa sheegay inay xalay garaaceen bartilmaameedyada militari ee Xuutiyiinta ku leeyihiin Magaalada Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen.

General Turki Al Maliki, oo ah Afhayeenka Isbahaysiga Assifat Al-Hazm ayaa sheegay inay duqaymo ka gaysteen goobo militari oo Xuutiyiinta ay leeyihiin, kuwaas oo uu xusay in loo adeegsanayay in lagu khatar geliyo maraakiibta ganacsiga ee ku gooshaya Badda Cas.

Telefishinka Al Masirah oo ku hadla afka Ururka Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sacuudigu uu beegsaday Dekedda Hodeidah, isla-markaana ay gantaalo ku dhaceen xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Qaranka ee Magaalada Hodeidah.

General Turki Al Maliki ayaa saaka beeniyay in la duqeeyay Dekedda Hodeidah, isla-markaana dhammaan Dekedaha Yemen oo ay ku jiraan Hodeidah, Ras Isa iyo Salif ay weli u furan yihiin dhaqdhaqaaqa maraakiibta badda, ayna qaabilayaan maraakiibta ganacsiga.

Jananka ayaa Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyay in ay iyagu ka masuul yihiin xaaladda sii xumaaneyso ee gobolka, wuxuuna ku tilmaamay weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta maraya Badda Cas kuwo fuleynimo ah iyo masuuliyad darro.

Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaan wax shaki ah gelin inay ka aargudan doonaan weerarka Sacuudiga, iyadoona xafiisku uu weerarkaasi ku tilmaamay fiditaan uu Sacuudigu ku sameeyay dagaalka Bariga Dhexe.

General Al Maliki ayaa ku hanjabay in isbahaysigu uu sii wadi doono qaadashada dhammaan tallaabooyinka iyo hawlgalada lagama maarmaanka ah, isagoo intaas ku daray in haddii Xuutiyiintu ay sii wadaan falalkooda cadawtinimada ah, jawaab laga bixin doono, iyadoo aan wax dib-u-dhac ah la samaynayn.

Duqaymaha isbahaysiga ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ayaa yimid, ka dib markii ururka reer Yemen uu 20-kii bishan ku dhawaaqay xayiraad iyo cunaqabatayn dhanka badda oo ay ku soo rogeen dalkaasi Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa Khamiistii sheegtay in Arbacadii ay dab saareen laba markab oo sida shidaal, lagana leeyahay Sacuudiga iyaga oo maraya Badda Cas, sababtu tahay inay ku xadgudbeen xayiraadda ay saareen dalkaasi.

Waxay u badan tahay in Xuutiyiinta Yemen ay ka aargoosan doonaan duqaymaha Sacuudiga, sida looga bartayba in ay ka dhabeeyaan hanjabaadahooda, balse lama oga goorta iyo goobta ay bartilmaameedsan doonaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc