Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland faray in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiis uu xaqiijiyay in lagu qabtay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen magaalada, kaasoo looga hawlgalay buu yiri xero halkaas ku taalo oo Dowladda Federaalka muddadii u dambeysay hub iyo ciidan uu sheegay inay ugu talagashay in ay ku qalqalgeliso amniga iyo xasilloonida Puntland ku soo daabuleysay.
“Waxaan ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysaba halkan uga soo jeedinayaa ama farayaa inay xasilloonida ilaaliyaan, in dhaawaca la daryeelo in maxaabiista si fiican loola dhaqmo iyo in wax qalqal ku saabsan ama tacaddi aan loo gaysan guud ahaan dhallinyaradaasi la khalday ee halkaasi lagu qabtay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa ciidamada kale ee ku sugan deegaanada Puntland, isla-markaana taabacsan Dowladda Federaalka ugu baaqay inay isu soo dhiibaan Ciidanka Puntland, isagoona adkeeyay inaanay Puntland ka jirin ciidan aan ahayn kuwa maamulka.
“Waxaan rabaa dhallinyaradaasi inay Ciidamada Dowladda Puntland ka mid noqdaan, isu soo dhiibaan, nidaamka dowliga ahna ay raacaan. Ciddii ka dhega-adeygta jawaabo jawaabahaas la mid ah ayay heleysaa.” Ayuu yiri Deni.
Deni oo sii hadlayay ayaa yiri “Puntland waxay u taagan tahay midnimada iyo dowladnimada Somaliya. Waxay adkeynaysaa nidaamka dowliga ah ee curdunka ah, waxayna hormuud u tahay nidaamka federaalka ah ee dalka Somaliya lagu dabaalayo.”
Dhanka kale Deni ayaa Dowlad Goboleedka Galmudug uga mahadceliyay wada-shaqayn dhow, oo sida uu sheegay ay lahaayeen muddadii uu xilka hayay, wuxuuna sheegay in ciidamada labada maamul ay si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga Gobolka Mudug.
Deni ayaa intaasi ku daray inaysan iyagu rabin inay cid gaar ahi ku xadgudbaan, balse waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay xasillooni darro ka sameyso magaalooyinka xasilloon.
Deni ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay joojiyaan in hubkii lagu la dagaalami lahaa Al Shabaab in lagu huriyo xasarado u dhexeeya qabaa’ilada ama Siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhexdooda.
Hadalka Deni ayaa muujinaya in uu meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ah mid qoto dheer oo muddooyinkii u dambeeyay salka ku hayay wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka KMG iyo is mari-waaga hareeyay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Khilaafka labada dhinac ayaa sii xoogeystay, ka dib markii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay bishii March ansixiyeen wax ka bedel iyo dhameystir lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda, kaas oo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ka dhigay shan sano, halkii uu ka ahaa afar sano.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay arrintan u aragtaa muddo kordhin sharci darro ah, oo uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo keentay in Villa Somalia ay fara-gelin amni ku sameyso maamulkaasi, iyadoo ciidamo cusub ka qoraneysa gudaha deegaanada Puntland.