Home Wararka Maanta Xiisad ciidan oo ka taagan koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo

Xiisad ciidan oo ka taagan koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka jiraan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sii jeedo magaaladaasi.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ciidamo ku soo daadisay qaybo ka mid ah xaafadaha koonfurta Gaalkacyo, ka dib markii Puntland ay ciidamadeeda ku soo daadisay waddooyinka xaafadaha ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo toddobaadkii labaad booqasho ku jooga Gaalkacyo ayaa xalay la kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ka hawlgala Gobolka Mudug, isagoona kala hadlay xaaladda amniga ee gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in Puntland ay maanta xirtay dhammaan xuduudaheeda, si ay uga hortagto waxa ay ku sheegeen sharta Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo wato gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, isla-markaana ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ay saacadihii ugu dambeeyay gaareen koonfurta Gaalkacyo.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Galmudug, Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Magaalada Gaalkacyo, qaybta Galmudug uu la xiriiro in ciidamadu ay sugaan amniga Madaxweynaha Somaliya.

Maxamuud Guure ayaa sheegay in iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah ay Puntland qaadday tallaabooyin aan ku habbooneyn dadka Soomaaliyeed iyo amnigaba, taasina ay tahay midda ka dhalatay xaaladda feejignaanta ah ee ka jirta koonfurta Gaalkacyo.

Guure ayaa adkeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo booqan karo deegaanada Galmudug, isagoona Puntland ugu baaqay inay ilaaliso deris wanaagga.

Puntland ayaa ka digtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarkiisa uga gol leeyahay colaad uu ka abuuro Gaalkacyo, iyadoo Galmudug ay ku adkeysatay in safarka Madaxweynuhu uu la mid yahay safarada kale ee uu ku tago magaalooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc