Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.
Dhowr qarax ayaa laga maqlay bannaanada magaalada, ka hor inta aanu dagaalka ku soo fidin bartamaha Baydhabo, iyadoo dagaalku uu si weyn u saameeyay amniga iyo xasilloonida magaalada.
Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Booliska Baydhabo ayaa la arkayay, iyagoo gudaha magaalada kula dagaalamaya rag ku labisan dareyska Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, balse sheegtay in ay taabacsan yihiin Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee awoodda laga tuuray 30-kii bishii March.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa magaalada ay u suurtagashay inay dibadda uga saaraan ciidamadii kale ee soo weeraray.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay ciidamadu fashiliyeen weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadeen Baydhabo. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Shabaabku ay muddooyinkii dambe wadeen isku dayo uu ujeedkoodu ahaa inay ku qalqalgeliyaan amniga magaaladaasi.
Hase yeeshee Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay yihiin kuwa weeraray magaalada, isagoo meesha ka saaray in Daraawiishta iyo Al Shabaab ay si wadajir ah u weerareen magaaladaasi.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar) ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan maxaabiis, oo isugu jira buu yiri Daraawiish iyo Al Shabaab nool.
“Marka wax intaas ka weyn oo caddeymo ah inaan aragno muhiim ma ahan.” Ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd, waxa ay ku caddayn karaan in dagaalka ay ku lug lahaayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Dhaawacyada tobanaan qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa la kala geeyay isbitaalada ku yaala magaalada, iyadoona dhaawacyada ugu badan xaaladdooda lagu la tacaalayo Isbitaal Goboleedka Baay.
Waa weerarkii labaad ee ceynkiisa ah ee ciidamada taabacsan Laftagareen ay ka gaystaan Magaalada Baydhabo, iyadoo weerarkan midkii ka horreyay ay sidaan oo kale ugu galeen magaaladaasi, 30-kii bishii May.