Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro cusub (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro cusub (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay toddobo Safiir, ka dib markii siyaabooyin kala duwan uu ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waraaqaha kaga guddoomay Safiiradan, oo mid ka mid ah ay haweeney tahay.

Safiiradan ayaa kala ah:-

1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya

2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil

3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya

4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali

5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar

6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria

7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Aqsa Nawaz oo ah haweeneyda keliya ee ka dhex muuqatay Safiirada uu Madaxweynuhu qaabilay ayaa hadda ahayd Safiirka Pakistan ee Jabuuti.

Haweeneydan ayaa waxay kaloo soo noqotay Qunsulka Guud ee Pakistan ee Magaalada Milan ee dalkaasi Talyaaniga, intii u dhexeysay May 2022 iyo August 2025.

Bishii September ee sanadkii hore ayay Islamabad u soo magacawday inay noqoto Safiirka Pakistan ee Jabuuti.

“Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliya iyo dalalka ay matalaan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warka ayaa lagu sheegay “Dhankooda, Safiirada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Somaliya iyo dalalka ay matalaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Safiiradan u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Somaliya iyo dalalkooda, sida lagu sheegay warka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc