Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bahda Saxaafadda ka dalbatay inay ka hortagto faafinta wararka kuwa hurinaya qalalaasaha amni iyo fekerka xagjirnimada.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo maanta Wariyeyaasha kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aanay Saxaafaddu soo xigan karin wararka kuwa doonaya sida uu yiri inay abuuraan qalalaase amni iyo fekerka xagjirka ah.
“Waxaan rabnaa inaan si gaar ah dardaaran guud u siino bahda Saxaafadda in aanay soo xigan karin kuwa doonaya inay abuuraan qalalaase amni iyo fekerka xagjirka ah inaanay soo xigan hadalkooda.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin iyo xogaha loo adeegsado buu yiri in lagu abuuro cabsi iyo kala shaki.
“Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay is dejiyaan, kana fogaadaan wararka aan la xaqiijin iyo xogaha loo adeegsado in lagu abuuro cabsi iyo kala shaki.” Ayuu yiri Wasiirka.
Mar uu Wasiir Baaba ka hadlayay, waxa xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay ayaa yiri “Xilliyadan adag waxaa muhiim ah in bulshadu ay is garab-taagto nabadda, dowladnimada iyo hay’adaha sharciga ah, isla-markaana ay xogta saxda ah ka qaadato ilo rasmi ah.”
Cabsi dhinaca amniga ah ayaa soo food-saartay shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, taas oo ka dhalatay weerarkii ciidamada u daacadda ah Laftagareen ay Isniintii ku soo qaadeen magaaladaasi.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dagaal culus bartamaha magaalada kula galay taageereyaasha Laftagareen.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada taabacsan Laftagareen iyo maleeshiyada Al Shabaab oo is garabsanaya ay soo weerareen magaalada, inkastoo Laftagareen uu warkaasi beeniyay.
“Dhammaan wararka sheegaya in Ciidanka Daraawiishta lagu tilmaamo koox xagjir ah waa warar marin habaabin ah oo been ah, kuwaas oo qiil loogu raadinayo in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci darro ah u isticmaalo qalabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu Laftagareen ku sheegay qoraal uu habeenkii Isniinta soo saaray.
Laftagareen ayaa sheegay in weerarka ay gaysteen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee isaga la safan, isla-markaana uu ahaa hawlgal uu sheegay in magaalada looga sifeynayay, waxa uu ku sheegay ciidamada sida gardarrada ah ugu soo duulay.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 30-kii bishii March la wareegay amniga Baydhabo, taasoo keentay in Laftagareen uu ku dhawaaqo inuu xilka iska casilay, ka dib markii isla maalintaasi uu diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo. Hase yeeshee tallaabada meesha looga saaray maamulkiisii ayaa sababtay inay magaaladu gasho xaalad hubanti la’aan amni ah, waana marxalad ka duwan muddadii uu Laftagareen maamulka hoggaaminayay.