Home Wararka Maanta Qaraxyo argagax ku abuuray shacabka oo laga maqlay Baydhabo

Qaraxyo argagax ku abuuray shacabka oo laga maqlay Baydhabo

by Laacib

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay abaare 10:00pm laga maqlay illaa saddex qarax oo ahaa hoobiyeyaal.

Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa hoobiyeyaasha ka riday xeradooda oo ku dhex taal Madaxtooyada Baydhabo.

Jugta hoobiyeyaashan ayaa argagax geliyay dadka deegaanka, ka hor inta aan la ogaan inay ahaayeen hoobiyeyaal laga tuuray Madaxtooyada, iyadoo dadku ay muddo ku jahwareersanaayeen, waxa ay yihiin qaraxyadaasi oo laga maqlay magaalada oo dhan.

Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in hoobiyeyaasha lagu garaacay goob ku taala duleedka waqooyi bari ee magaalada, isla-markaana ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Dadka reer Baydhabo ayaa noqday kuwo ay dhegta u taagan tahay, wixii ka dambeeyay dagaalkii ay dadka badani ku dhinteen ee Isniintii ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo lagu eedeeyay inay garabsanayaan maleeshiyada Al Shabaab ayaa hadaf ka dhiganaya magaaladan, maadaama ay ogyihiin inuu maamulku ku shaqeeyo, isla-markaana ay ku yaallaan Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Baydhabo waa magaalada ugu weyn, uguna dadka badan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Somaliya.

Inkastoo xaaladda magaalada ay tahay mid degan, haddana dareenka dadka ayaa ah mid weli kacsan, iyaga oo ka cabsi qaba dagaal kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc