Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta xaqiijiyay inay doorasho ku celis ah ka qabanayaan deegaanada Galmudug, ka dib markii Maxkamadda Sare Dalka ay Isniintii diiday natiijada doorashadii qof iyo codka ee 30-kii bishii July laga qabtay deegaanada Galmudug.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada ka dhacday Galmudug, ka gadaal markii ay u caddaatay in habka loo maamulay doorashadaasi aanu waafaqsanayn sharciga, iyadoona uu garsoorku go’aamiyay in doorashada dib loogu noqdo.
Guddiga Doorashooyinka ayaa aqbalay go’aanka ka soo baxay Maxamadda Sare ee lagu buriyay natiijada doorashada iyo in lagu laabto doorashada.
“Guddigu waxa uu muddayn doonnaa xilliga la qabanayo doorashada ku celiska ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.” Ayuu guddigu ku sheegay warsaxaafadeed.
Ururada Siyaasadda ayaa mar kale ku tartami doona Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo tan Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa waxa uu ka dambeeyay, markii Urur Siyaasadeedka Towfiiq uu horgeeyay dacwad ah in doorashada lagaga shubtay.