Home Wararka Maanta Qorista dhallinyarada la qarameynayo oo laga bilaabayo Afgooye iyo Xudur

Qorista dhallinyarada la qarameynayo oo laga bilaabayo Afgooye iyo Xudur

by Laacib

Saraakiil ka kala tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay qorista dhallinyarada loo qaadanayo shaqada ciidamada ka bilaabaan Magaalooyinka Afgooye iyo Xudur ee Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ay dhallinyarada ku xulanayaan caafimaadka jirka, maskaxda iyo dal jaceylka.

Saraakiishan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ka jawaabayaan Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo faray in qorista iyo soo xulista dhallinyarada ee laga bilaabay Gobolka Baay, gaar ahaan Magaalada Baydhabo lagu ballaariyo labada gobol ee kale ee Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo taageero toos ah ka haysta Dowladda Federaalka ayaa diiradda saaraya, sidii uu maamulku ku yeelan lahaa cudud ciidan oo diyaar ah.

Maamulka Aadan Madoobe ayaa hadda si weyn ugu tiirsan taageerada Ciidamada Dowladda Federaalka ee maamulkiisa ku ilaaliya Magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe ayaa doonaya in la helo ciidamo dadka deegaanka ah oo ka qayb qaata sugidda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, la dagaalanka argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah in uu maamulku si buuxda u shaqeeyo.

Aadan Madoobe ayaa mucaaradad kala kulmaya Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku hanjabay inay ka qabsan doonaan Baydhabo oo saldhig u ah maamulkiisa, isla-markaana ay ku yaallaan Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc