Dowladda Federaalka ayaa maanta ciidamo kale oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, waxay gaysay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud, iyagoona la socday diyaarad ka timid dhinaca Caasimadda Muqdisho.
Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ayaa kuu sheegaya in ciidamadan ay kordhin cusub u noqon doonaan ciidamada kale ee ku sugan duleedyada magaaladaasi.
Dowladda Federaalka ayaa taageero buuxda siineysa maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee uu madaxda u yahay Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo wajahaya mucaaradad xoog leh oo kaga imaneysa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ciidamada taabacsan ay culeys amni ku hayaan magaaladaasi.
Dhanka kale Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar) ayaa Sabtidan isla shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib-u-habaynta ciidamada, amniga iyo difaaca Baydhabo.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mukhtaar Maxamed Dugudow ayaa diiradda lagu saaray, sidii Ciidamada Qalabka Sida ay wada-shaqayn dhow u yeelan lahaayeen, loona adkayn lahaa difaaca magaalada.
Xiisadda siyaasadeed iyo midka ciidan ee ka taagan Koonfur Galbeed, una u dhexeeya maamulka hadda jira iyo hoggaankii hore ayaa si taban u saameynaya xasilloonida Baydhabo, bacdamaa ay Baydhabo tahay Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
