Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxa uu Sabtidii dagaal culus ku dhex maray deegaanka Basra oo saaran waddada xiriirisa Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, oo sidoo kale loo yaqaano (Labada Shabelle).
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Arbacadii dhaqdhaqaaq ka bilaabay deegaankaasi, oo muhiim u ah sugidda amniga iyo isu socodka Labada Shabelle iyo duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoona halkaasi ay ka dhacayeen dagaalo goos goos ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu xoogeystay duhurnimadii shalay, ka dib markii ciidamadu ay ku siqeen dhufeysyada iyo godadka ay Shabaabku horey uga qoteen aagga jiinka Webiga Shabelle. Deegaankan oo ku yaala xadka Labada Shabelle ayaa dhaca qarka uu maro Webiga Shabelle.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalku uu soo gaaray xalay fiidkii, isla-markaana ay labada dhinac isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka culus ee ka dhacay deegaankaasi iyo xiisadda weli halkaasi ka taagan.
Deegaanka Basra, oo ah deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana u dhexeeya Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ayaa isku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.
Deegaankan oo lagu sheego deegaan beereed aad muhiim u ah ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska horimaadyo, marka ay ciidamadu isku dayaan inay daba galaan meelaha ay Shabaabku ka soo tuuraan hoobiyeyaasha.
Ciidamada ayaa dhowr jeer oo hore qaaday guluf militari oo qorshuhu ahaa in maleeshiyada lagaga sifeeyo deegaankaasi, balse ay mar kasta natiijadu ku soo dhamaaneysay iyada oo aan la xaqiijin yoolalka dagaalka.