Wararka ka imanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay maanta ka dhaceen deegaankaasi, gaar ahaan nawaaxiga jiinka Webiga Shabelle ee deegaankaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Gaarka ee Haramcad ayaa dhulka ku xeeran Webiga Shabelle ee deegaankaasi ka wada hawlgal ay kaga sifeynayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ka dhashayn duqaymo xagga cirka ah, oo ay deegaankaasi ka fuliyeen Ciidanka Cirka Turkiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Cirka Turkiga ay sii wadi doonaan hawlgalka hawada ee lagu taageerayo ciidamada hawlgalka sifeynta ah ka wada dhulka hawdka ee ku teedsan webiga ee deegaanka Basra.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar uu dardargelinayo dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaankaasi, isla-markaana uu leeyahay isku xirka hawlgalada hawada iyo dhulka ee ka socda deegaan beereedka Basra.
Ciidanka Gaarka ee Xoogga Dalka ayaa lagu wadaa inay fariisimo joogta ah ka sameystaan deegaankaasi, si aysan Shabaabku dib dambe ugu soo laaban deegaanka.
Deegaanka Basra waa deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xuduudda Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, waana deegaan aad ugu dhow goobta uu maro Webiga Shabelle, waana deegaan isku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.