Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo baaris ku wada askar tacaddi u gaysatay maxbuus ka tirsan Al Shabaab

Taliska Militariga oo baaris ku wada askar tacaddi u gaysatay maxbuus ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhawaaqay in baaris horudhac ah lagu wado xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya iyaga oo tacaddi u gaysanaya maxbuus dagaal oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in falkaasi iyo falalka la midka ah ay liddi ku yihiin xeerarka anshaxa, nidaamka ciidamada iyo shuruucda dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Taliska Ciidanka XDS ayaa baaris hordhac ah ku wada xubno ka tirsan Ciidanka XDS oo baraha bulshada ku faafiyey muuqaal muujinaya tacaddi loo gaystay maxbuus dagaal, xilli uu socday hawlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta.

Falkaasi iyo fal kasta oo la mid ah wuxuu si cad uga horimaanayaa xeerarka anshaxa, nidaamka ciidanka iyo shuruucda dagaalka ee Ciidanka XDS.

Taliska Ciidanka XDS wuxuu si adag uga digayaa dhammaan xubnaha ciidanka inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo caddeynaya in tallaabo sharci iyo mid ciidan oo adag laga qaadi doono xubin kasta oo lagu helo inuu ku xadgudbay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc