Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada hadal nabadeed iyo is faham ugu baaqday garabka mucaaradka hubeysan ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa iyadoo ka duuleysa mabaadi’da wadatashiga iyo nabadeynta, waxay sheegtay in albaabadeedu ay u furan yihiin dhammaan cid kasta oo ka aragti duwan iyo cid kasta oo tabasho qabta.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu caddeynayo in cid kasta oo qabta aragti ka duwan tan maamulka ama tabasho gaar ah qabta ay u furan tahay madal wada hadal, isla-markaana uu maamulku diyaar u yahay in si nabdoon iyo is faham lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha.
“Waxaan leeyahay cid kasta oo ka aragti duwan Dowladda Koonfur Galbeed waxaa u furan gacmo furan. Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur wuxuu si cad oo laalaab lahayn uu u sheegayaa albaabadiisa inay furan yihiin. Cid kasta oo ka aragti duwan iyo cid kasta oo tabasho qabta wada hadal baa u furan, waana la imaan karaa.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan leeyahay walaalayaalow Ilaahay aan ka cabsano, walaalaheen walaaltnimada, darajada iyo sharafta aan ilaalino, dal-dhiska iyo dowladnimadana aan ilaalino.”
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Waxaan leenahay Dowladda Koonfur Galbeed dhammaan gacmaha ayay u hoorineysaa, way soo dhaweynaysaa, nolol ayayna ugu yeereysaa, illaa ninkii diido mooyee.”
Gunaanadka ugu dambeeya, ee ah illaa ninkii diido mooyee ayaa waxay xambaarsan tahay digniin dadban oo sharciga iyo amniga ah, oo ka dhigan in wixii dhibaato dambe oo ka dhan ah shacabka ay masuuliyaddeeda qaadeyso kooxda diidda nabadda.
Xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ayaa xoogeystay, ka dib doorashadii 10-kii bishii June ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Aadan Madoobe loogu doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed iyo agagaaraheeda ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka taagnaa xaalad amni darro, oo ka dhalatay is bedelka Hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisaddan ayaa u dhexeyso maamulka cusub ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo iyo hoggaankii hore, iyadoona Laftagareen uu ku hanjabay inay xoog dib ugu la wareegi doonaan gacan ku haynta Baydhabo.