Home Wararka Maanta General Indhacadde oo ku sugan Baydhabo, xilli ay ka jiraan dhibaatooyin amni

General Indhacadde oo ku sugan Baydhabo, xilli ay ka jiraan dhibaatooyin amni

by Laacib

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa booqasho ku jooga Magaalada Baydhabo, xilligan oo xiisado siyaadadeed iyo kuwa amni ay ka jiraan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in jananku uu Axaddii ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud, isla-markaana uu maanta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Sabtidii gaaray Baydhabo inay maanta isaga iyo General Indhacadde la kulmeen Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Ma cadda waxa uu la xiriiro safarka General Indhacadde ee Baydhabo, balse Taliyaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa la fahamsan yahay in uu magaaladaasi u tegay howlo shaqo oo la xiriira arrimaha amniga.

Aadan Madoobe ayaa toddobaad ka hor Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in Baydhabo loo soo diro Saraakiil khibrad leh oo ka caawiya amniga iyo difaaca magaalada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in General Indhacadde uu ku jiro jiro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla-markaana uu raadinayo xil uu ka qabto maamulka cusub ee Aadan Madoobe.

General Indhacadde oo lagu sheego sarkaal rugcaddaa ah ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka ee maleeshiyada Al Shabaab ka saaray Magaalada Muqdisho, sanadkii 2011.

Socdaalkiisa Baydhabo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu la kulmayo caqabado amni iyo abaabul dagaal oo kaga imaanaya garabka hubeysan mucaaradka ee taabacsan maamulkii hore.

Baydhabo ayaa wajaheysa, xilli xasaasi ah oo loolan siyaasadeed iyo mid ciidan uu u dhexeeyo maamulka cusub iyo hoggaankii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc