Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Serbia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Serbia

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaala madaxda Serbia ee Belgrade.

Villa Somali ayaa sheegtay in muddada Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sugan yahay Caasimadda Belgrade uu kulan muhiim ah la qaadan doono dhiggiisa dalkaasi, Aleksandar Vučić.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonnaa dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa waxa kaloo lagu yiri “Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay Magaalada Belgrade sanadkii 1961-kii.”

Xiriirka Somaliya iyo Serbia oo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay ayaa hadda maraya heer wanaagsan, waana xiriir ku dhisan iskaashi ay leeyihiin labada dowladood.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 1-dii bishii September ee sanadkii hore booqasho rasmi ah ku tegay dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc