Home Wararka Maanta Carro xoogan oo ka dhalatay askari Xoogga Dalka oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Carro xoogan oo ka dhalatay askari Xoogga Dalka oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Askarigan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si xun loogu dilay duleedka Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan meel ku dhow xadka uu gobolkaasi la wadaago Gobolka Hiiraan.

Askarigan iyo laba askari oo kale oo socday ayaa waxaa gaarigii ay saarnaayeen kala degay maleeshiyaad hubeysan, iyagoo ku sii jeeday Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay sii deysay labadii askari ee kale, isla-markaana ay la hareen askarigan oo qura, kaas oo mar dambe ay u dileen aano qabiil.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka askarigan oo si xun loo dilay in manta la geeyay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Ka hor inta aanu soo bixin warka geeridiisa, maleeshiyada ayaa ka duubtay muuqaal uu ugu sheegayo in uu xanuunsanayo oo uu gaajeysan yahay, muqaalkaas oo si weyn looga daawaday baraha bulshada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in saddexda askari ay ka mid ahaayeen Ciidanka Xoogga Dalka ee difaaca ku leh Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay soo qaateen fasax ay ku booqanayaan qoysaskooda.

Askariga la dilay oo lagu magacabayay Axmed Shire Xuseen ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dhowr cisho u xirnaa maleeshiyada, ka hor inta aysan dilin.

26-kii bishii December ee sanadkii 2024 ayay ahayd, markii lix askari oo Ciidanka Xoogga Dalka ah gaarigii ay la socdeen looga la degay duleedka Degmada Ceelbaraf, loona dilay aano qabiil. Askartan oo fasax sharci ah ka haystay taliskooda ayaa xilligaasi ku sii jeeday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 2-dii bishii January ee sanadkii 2025 soo saartay amar lagu soo xirayo 14 eedeysane oo lala xiriiriyay dilka askartaasi.

Carro xoog leh ayaa ka dhalatay dilka Axmed Shire, iyadoona la eegayo tallaabada ay qaadi doonaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc