Xuutiyiinta Yemen ayaa ka digay fara-gelin shisheeye oo lagu taageerayo Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero, dagaalkana ay kula jiraan.
Ururka ayaa warsaxaafadeed uu Sabtidii soo saaray ku sheegay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas uu weli yahay mid caadi ah, isla-markaana ay maraakiibtu si nabdoon ku marayaan marin biyoodka Bab El-Mandeb.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa si buuxda ula wareegay xeebaha dalkaasi Yemen ee ku teedsan Badda Cas, ka dib markii guulo is daba joog ah ay ka gaareen dagaalka kala dhexeeya Ciidamada Dowladda Yemen. Xuutiyiinta ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Mokha, iyagoona Jimcihii qabsaday Jasiiradda Mayun (Perim), waxayna sidaasi ku dhameystireen in ay gacanta ku hayaan Marinka Bab El-Mandeb.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in dhammaan maraakiibta ganacsiga ay mari karaan marinkaasi, marka laga soo tago maraakiibta Sacuudiga oo uu sheegay in horey xayiraad buuxda loogu soo rogay.
General Yahya Saree ayaa ka digay in isku day kasta oo fara-gelin ama weerar ah uu keeni karo in gebi ahaanba la xiro marinka istiraatiijiga ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Bab El-Mandeb waa marin muhiim u ah ganacsiga iyo gaadiidka sahayda tamarta ee isugu kala goosha Asia, Yurub iyo Bariga Afrika.
Dhanka kale Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay la soo xiriireen Mareykanka, iyagoo ka codsanaya inaysan fara-gelin ku sameynin dagaalka kala dhexeeya Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Trump oo Sabtidii ay booqasho laba maalmood ah uga bilaabatay Magaalada Dublin ayaa sheegay in Xuutiyiinta aysan rabin inay la dagaalamaan Mareykanka.
“Xuutiyiintu way na soo waceen, mana doonayaan inay nala dagaalamaan.” Ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray “Ma doonayaan inaan beegsano.”
Carqaladaynta Xuutiyiinta ee isu socodka maraakiibta ee Bab El-Mandeb ayaa cawaaqib ba’an ku yeelanaya sahayda tamarta adduunka, xilli Iran ay horey u xirtay Marinka Hormuz.