Home Wararka Maanta Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dhallinyaro ku biireysay Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dhallinyaro ku biireysay Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Ciidanka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay gaadiid ay la socdeen niman dhallinyaro ah, xilli loo waday tababarka Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dhallinyaradan ay ku sii jeedeen Dugsuga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhallinyaradan lagu diyaariyay koonfurta Magaalada Gaalkacyo, isla-markaana ay ka ambadeen jidkii ay u mari lahaayeen dhanka Galgaduud, sidaasina ay gacanta ugu dhigeen Ciidanka Puntland ee ku sugan waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Galmudug iyo Puntland uu u socdo wada hadal la doonayo in lagu sii daayo dhallinyaradaasi iyo gaadiidkii ay la socdeenba.

Tani ayaa ku soo aadeysa, xilli uu meeshii ugu hooseysay gaaray xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlaneyd, sidii ay dhallinyaro cusub uga qoran lahayd deegaanada Puntland, iyadoo uu qorshaheedu yahay in la dhiso ama la soo celiyo Guutooyinkii Qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka ayaa horaantii bishii June General Jimcaale Jaamac Takar u magacawday in uu noqdo Taliyaha Qaybta 54aad, iyadoo siyaasadda soo xulista iyo qorista dhallinyarada ay xiisad ka kicisay gudaha deegaanada Puntland.

Guddiga Amniga Puntland ayaa 24-kii June soo saaray amar mamnuucaya inaanay deegaanada Puntland ka hawlgeli karin ciidan aan ahayn kuwa maamulka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc