Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Beledweyne

by Laacib

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii labaad ay xaalad kacsanaan ah ka jirto magaaladaasi.

Magaalada ayaa Arbacadii gashay xaalad fowdo ah oo hal qof uu ku dhintay, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa mucaaradsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo joogitaanka Cabdifitaax Xasan Afrax ee magaalada. Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo wado jegada Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray magaaladaasi.

Beledweyne ayaa waxay ka mid ahayd 12 magaalo oo ka tirsan labada gobol ee Hirshabelle ee horey loo sheegay inay ka dhaceyso doorashada isku sidkan ee Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.

Goobo aad u xaddidan oo Magaalada Beledweyne ah ayay Arbacadii ka dhacday doorashada, taas oo ay wehlisay xaalad kacsan iyo bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo.

Intii ay socotay codaynta Doorashada Baarlamaanka iyo tan Golaha Deegaanka, dad badan oo reer Beledweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo ka biyo diidan hannaanka doorashada oo ay u arkaan mid aan la isku raacsanayn.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in goobaha ganacsiga ee magaalada ay xiran yihiin maalintii labaad.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan siinaya laamaha amniga ee Beledweyne ayaa isku dayaya in ay sugaan amniga magaaladaasi.

Inkasta oo Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu sheegay in Madaxda Siyaasadda iyo Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ay qaateen in laga hortago colaad ka dhacda magaalada, haddana Beledweyne ayaa waxaa ka jira diidmo xooggan oo ka dhan ah Maamulka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc