Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaabiyay safarkiisii Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaabiyay safarkiisii Dhuusamareeb

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib markii Maxkamadda Sare Dalka ay ka hortimid wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka Qaranka iyo halka sano ee dowladdiisu ay muddada xil-haynta ku kordhisatay.

Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Khamiistii soo saaray go’aan taariikhi ah, oo ay ku gacan seyreen muddo kororsiga dowladda, iyagoona caddeeyay in muddo xileedka hay’adaha ugu sarreya uu dhammaaday.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku ekaa 14-kii bishii April ee sanadkan, halka kan Madaxweynaha Jamhuuriyaddana uu dhammaaday 15-kii bishii May.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa Dhuusamareeb, halkaas oo uu uga qaybgelayay xafladda caleemo-saarka ee Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii Arbacada xilka ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed oo booskiisa uu ku bedelay Ibraahim Iidle Suleymaan.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ciidamo geeyay Xarunta Maxkamadda Sare, si uu u xiro Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Mucaaradka ayaa taageeray go’aanka maxkamadda ee lagu sheegay in muddo kordhintiisu tahay sharci darro.

Somaliya ayaa wajaheysa xiisado siyaasadeed oo ka dhashay dib-u-dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa Jimcahan ku laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha ayay wararku sheegayaan in uu baajiyay kulamo uu bulshada qaybaheeda kala duwan kula lahaa Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc