Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo dusha u ridatay difaaca Degmada Baraawe

Dowladda Somaliya oo dusha u ridatay difaaca Degmada Baraawe

by Laacib

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa noqotay magaalada saddexaad ee ay ciidamada ugu badan ka joogaan Dowladda Federaalka Somaliya, marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka, iyadoo Muqdisho ay tahay magaalada ay cidamada ugu badan ku sugan yihiin, halka Baydhabo ay tahay tan labaad.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horaantii bishan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo isugu jira Kumaandooska Gorgor iyo Guutada 8aad ee Qaybta 60aad u daabulay magaalo xeebeedka Baraawe, si ay ula wareegaan amniga iyo difaaca magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa lagu bedelay Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo dhawaan bilaabay inay isaga baxaan Baraawe.

General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo 2-dii bishan November ay booqasho dhowr cisho ah uga bilaabatay Baraawe ayaa kormeeray goobaha ay degayaan ciidamada cusub.

Ciidamo u badan Ciidanka Guutada 21aad, Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor oo 8-dii bishii August tababar loogu soo xiray dalkaasi Turkiga ayaa si gaar ah u degaya saldhigyada ay wareejinayaan Militariga Uganda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in magaaladan ay ku sugan yihiin kun iyo sideed boqol (1,800) oo askari, oo aysan ku jirin Ciidanka NISA, Birmadka Koonfur Galbeed, Booliska Degmada Baraawe iyo Ciidanka Badda ee loo xil-saaray inay ilaaliyaan xeebaha degmada.

Ujeeddada ciidamada faraha badan loo geeyay Baraawe ayaa ah in magaalada laga difaaco ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo magaaladan ay tahay Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo tan iyo markii maamulka la aasaasay ay masuuliyiintu ku shaqeynayeen Baydhabo.

Baraawe ayaa 5-tii October ee sanadkii 2014 soo gashay gacanta Dowladda Federaalka, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda ay si wadajir ah uga saareen Al Shabaab.

Ciidanka Uganda ee hadda ka baxaya magaalada ayaa muddadaas ka qayb qaatay dadaaladii lagu sugayay amnigeeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc