Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo furin dagaal u bedeleysa Degmada Jilib

Dowladda Somaliya oo furin dagaal u bedeleysa Degmada Jilib

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa u jiheysanaya, sidii ay u kordhin lahayd duqaymaha horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab loogu gaysanayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Iyadoo Dowladda Federaalka ay haatan ku foogan tahay, sidii ay maleeshiyada uga saari lahayd deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa la sheegaya in ay kordhin doonto hawlgalka hawada ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay horjoogeyaasha iyo maleeshiyadaba ay ku beegsanayaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin oo dhan.

Diyaaradaha dagaalka ayaa muddooyinkan diiradda ku hayay goobaha qaar ay maleeshiyadu ka joogto Gobolada Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, inkastoo haatan laga dhigay mid Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya oo dhan ah. Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxay hadda ka mid noqotay meelaha aadka loo garaacayo.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa la sheegaya in duqayn xoog leh ay ka dhacday gudaha iyo bannaanada Jilib, taasoo ku tusineysa in dowladdu ay dagaalka si qoto dheer ugu fidineyso degmadaasi.

Jilib waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee deegaanada Jubbaland, waxayna qiyaastii 380km ay dhanka koonfur galbeed kaga beegan tahay Caasimadda Muqdisho.

Shabaabka ayaa Jilib ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, waxayna Dowladda Soomaaliyeed iyo saaxiibadeeda dibadda ay iska kaashanayaan inaysan gabaad dambe u noqonin horjoogeyaasha maleeshiyadaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Villa Somalia ay jilib u aragto khatar dhab ah oo amni, maadaama lagu go’aamiyo weerarada ay maleeshiyadu ka gaysato dalka gudihiisa. Shabaab ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah ka arriminayay degmadaasi.

“Dowladda Federaalka Somaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya oo ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla-markaana ay ku tusaale qaataan dayaca dhallinyarada la soo marin habaabiyay ku qabsaday Jilib, oo boqolaal ay naftooda ku waayeen, kuwo intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.” Ayaa lagu yiri war xalay ka baxay Warbaahinta Qaranka.

Warka ayaa intaasi ku daraya “Dowladda Federaalka Somaliya waxay mar kale ku celineysaa in Degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta ay yihiin bartilmaameed militari oo waqti kasta weeraro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.”

Ilaha ku dhow dhow Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in Jilib oo hadaf laga dhigtaa ay wax ka tareyso hawlgalka lagu naafeynayo maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayaa toban sano ka hor taliskooda dhexe u soo raray degmadaasi ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, ka gadaal markii dagaal looga saaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gobolka Jubbada Dhexe waa gobolka keliya ee dalka ay Al Shabaab sida buuxda uga arrimiso.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka intii ay dagaalka kula jireen Al Shabaab, Ciidamada Qalabka Sida ayaan weli gaarin gobolkaasi oo muddo dheer ay maleeshiyadu maamuleysay.

Jilib waa magaalada qura ay in muddo ahba ay wa-xoogaa xasillooni ah ku haysteen horjoogeyaasha Al Shabaab, tiina waxaaba muuqata in la isaga daba yimid, Dowladda Federaalkana ay hadaf ka dhiganeyso. Duqaymaha ka bilowday ayaa horjoogeyaashaasi ku kordhin doonta walaacii amni ee ay horey u qabeen.

Mareykanka ayaa sanadihii la soo dhaafay duqaymo dhif ah ka fulinayay degmadaasi, balse taasi kama hor istaagin in horjoogeyaashu ay xilliyada qaarkood ku hoydaan, shirarkana ay uga qaybgalaan.

Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda NISA ayaa goor sii horreysay amar ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo faray in ay bartilmaameedsadaan xubnaha sarsare ee Al Shabaab iyo maleeshiyada kaleba.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab aysan harsan, illaa laga dilo amaba ay iska soo dhiibaan.

Jilib waxaa la tilmaamaa in ay tahay goobta ugu badan ee ay ku nool yihiin xaasaska iyo carruurta ee horjoogeyaasha la doonayo in saaxada dagaalka laga saaro.

Hawlgalka ay Dowladda Federaalka kula dagaalameyso Al Shabaab ayaa sii xoogeysanaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc