Dowladda Federaalka ayaa ku hanjabtay in lala xisaabtami doono Ciidamada Militariga ee ilaaliya Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa Jimcihii kulamo ka bilaabay caasimadda, waxaana la arkayay iyagoo ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan kuwa militariga. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaana kulankii shalay ka sheegay in amni xumo ay ka jirto magaalada.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi oo ka jawaabayay hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa beeniyay in magaalada ay amni darro ka jirto.
“Amni waaye Magaalada Muqdisho, wax dhibaato ah oo ka jiro Muqdisho ma jirto, wayna sii jiri doontaa, haddii Ilaahay raali ka noqdo.” Ayuu yiri Wasiirka oo maanta la hadlay Warbaahinta.
Wasiirka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka aysan ilaalin karin Siyaasiyiinta Mucaaradka, isla-markaana ay jiraan ciidan gaar ah, kuwaas oo uu sheegay in loogu talagalay inay ilaaliyaan madaxda.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ma ahan ciidan ilaalo galo. Difaaca qaranimada iyo dalka ayay u taagan yihiin, cadowga ayayna hortaagan yihiin.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay “Waxaa jira ciidan VIP la yiraahdo oo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan. Ciidankaas waa ciidan loogu talagalay, loona tababaray inay ilaaliyaan dadka madaxda ah. Halkaas ayay ku feeli doonaan qof walba oo amni u baahan.”
Wasiirka ayaa ku hanjabay in Dowladda Federaalka ay tallaabo ka qaadi doonto ciidamada hubka culus iyo gaadiidka dagaalka ku dhex wata magaalada ee ilaalinaya mucaaradka.
Ciidamada Militariga ayaa ah kuwo u diiwaan-gishan Wasaaradda Gaashaandhiga, iyaduna ay siiso wixii mushaaraad iyo gunno ah ay xaqa u leeyihiin.
Mucaaradka iyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu kala fogaaday doorashada ay dowladdiisu qorsheynayso in sanadka soo socda ay dalka ka qabato.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in doorashada soo socoto ay noqoto mid qof iyo cod ah, iyadoo mucaaradkana ay ku andacoonayaan in taasi aysan suurtagal ahayn, sababtu tahay xaaladda amni ee dalka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Puntland iyo Jubbaland ay la safan yihiin ayaa dalbanaya in dib loogu laabto doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer wax lagu soo dooranayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar kala duwan sheegay in dowladdiisu ay tobanaan sano ka dib dalka ka qaban doonto doorasho qof iyo cod ah.
Mucaaradka oo ay qayb ka yihiin madax hore ayaa lagu wadaa in maalmaha ina soo aaddan uu shir uga furmo Magaalada Muqdisho, taasoo ay dowladdu isha ku hayso.
Mucaaradka ayaa in muddo ahba Villa Somalia uga digayay inay dalka ka qabato doorasho aan loo dhameen.