Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadday Degmada Moqokori ee bariga gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu weeraray fariisin ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ku leeyihiin duleedka degmadaasi, ka dibna uu dagaalka ku soo fiday degmada.
Xaalad hubinti la’aan ah ayaa ka jirta degmada, mana jirto cid sheegi karta in cid gaar ahi ay hadda gacanta ku hayso degmadaasi, maadaama ay xabaddu weli ka socoto.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa soo daba maray ciidamadii maalin ka hor u qalab qaatay, sidii ay maleeshiyadaasi uga saari lahaayeen deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmadaasi, ka dib markii ay qabsadeen 29-kii bishii ina dhaaftay ee June.
Xaaladda degmada ayaa ah mid aad u kacsan, waana isku daygii ugu weynaa oo Shabaabku ku doonayaan in ay kula wareegaan degmadaasi, tan iyo markii laga saaray ku dhawaad saddex sano ka hor.
Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ayaa 25-kii bishii September ee sanadkii 2022 si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmadaasi, ka gadaal maalmo ay weeraro xiriir ah ku qabsanayeen deegaanada hoostaga.
Al Shabaab ayaa labadii bilood ee u dambeysay weeraro ku haysay deegaanada qaar ee hoostaga degmadaasi, inkastoo dhowr jeer lagu jebiyay isku dayo ay ku dooneysay in ay kula wareegto deegaanka Ceel-hareeri, oo ah albaabka koowaad ee ay ka soo geli karayn degmadaasi.
Shabaabka ayaa 29-kii bishii June la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelqooxle, waxayna Jimcihii uga soo gudbeen deegaanka Gumare oo afka u saaran degmadaasi. Ciidamada ayaase Sabtidii dagaal dib ugu la wareegay Gumare, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Ceelqooxle, walow aysan weli gaarin.
Ceelqooxle ayaa noqotay waddo ay Shabaabku ku soo gaari karaan Moqokori, oo ay u arkaan marin muhiim ah oo ay isugu xirmi karaan maleeshiyadooda min Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa bartamihii bishii April saldhig weyn ka sameystay degmadaasi, ka dib markii Al Shabaab ay dagaal culus kula wareegtay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Qabsashadii Al Shabaab ee Aadan Yabaal ayaa waxay sahashay in laba toddobaad ka dib ay maleeshiyadu culeys soo saarto deegaanada hoostaga Degmada Moqokori, iyadoo degmooyinkan ay yihiin kuwo saaran xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Al Shabaab ayaa bishii May dagaalka u soo weecisay dhinaca Degmada Moqokori, ka gadaal markii maleeshiyadeedii bishii April qabsatay deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ay ku guuldareysteen in ay furtaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori iyo Maxaas ee dhinaca kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud.
Shabaabka ayaa billihii May iyo June weeraro kala dambeeyay oo qaraxyo ku bilowdeen ku qaaday deegaanka Ceel-hareeri, waxayse ku fashilmeen in ay sii joogaan. Shabaabka ayaana u soo beegsaday Ceel-hareeri, bacdamaa ay tahay albaabka koowaad ee ay ka soo geli karaan Degmada Moqokori, laakiin ay taasi meesha ka saartay iska caabinta adag ee Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda.
Shabaabka ayaa bilowgii toddobaadkii dhammaaday soo cusbooneysiiyay weerarada ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Moqokori, iyaga oo markaasi dagaalka ka furay jihada Ceelqooxle.