Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay sheegtay in markabka hubka wada ee lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah uu si sharci darro ah ugu sugnaa xeebaheeda, isaga oo aan Puntland soo weydiisan dalab uu caawinaad kaga dalbanayo, haddii uu la kulmay khatar ama cilad, midna.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Puntland ay xaq u leedahay inay baaritaan hubin ah ku sameyso markabkan iyo inay tallaabo ka qaaddo maraakiibta ku gooshaya biyaheeda.
Warka ayaa lagu sheegay in inkastoo wasaaraddu ay ka dhur-sugeyso baaritaanka socda, ay haddana shacabka Puntland iyo Beesha Caalamkaba si horudhac ah ugu sheegeyso in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka iyo xasilloonida Puntland, isla-markaana uu laba cisho si dhuumaaleysi ah ku joogay xeeb ku beegan aagga ay muddooyinkanba Puntland kula dagaalameysay maleeshiyada Daacish.
Warka ayaa u qornaa:-
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujineyso in markab lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee Puntland, isaga oo aan wax dalab caawimaad oo khatar iyo cillad ah soo gaarsiin dowladda Puntland, sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuduudaha badda (Maritime Territorial International Agreements), gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS 1982).
Markabkan SEA WORLD waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro, isaga oo ku xadgudbay qodobka 19aad (2) (b) iyo (g) ee UNCLOS Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah zone-ka dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada Caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.
Heshiisyada caalamiga ah iyo hanaanka diblomaasiyadeed (𝐃𝐢𝐩𝐥𝐨𝐦𝐚𝐭𝐢𝐜 𝐏𝐫𝐨𝐭𝐨𝐜𝐨𝐥 𝐟𝐨𝐫 𝐂𝐨𝐧𝐯𝐞𝐲𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐨𝐦𝐩𝐥𝐚𝐢𝐧𝐭𝐬) waxay si cad u dhigayaan in wixii markab ah ee si toos ah u soo gala xuduudaha badda ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu yahay mid leh khatar ciidan ama sharci-darro ah, looga baahanyahay in si rasmi ah loo wargeliyo dowladdaasi. Balse markabkan SEA WORLD waxa uu jabiyay xeerarkaas isagoo aan wax sharaxaad ah bixin.
Tallaabada Puntland:
Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay baaridda iyo hubinta iyo tallaabo ka qaadidda maraakiibta maraya biyeheeda sida ay qabaan qodobbada 25aad (1) iyo 27aad (1) ee xeerka badana 𝐔𝐍𝐂𝐋𝐎𝐒 waxayna Dowladda Puntland hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo ujeeddada dhabta ah ee markabkan, cida iska leh, iyo waxyaabaha uu xambaarsanyahay. Intaas ka hor, Puntland waxa ay si cad u xusaysa in markabkan jebiyay xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka badda ee ay qeyb ka tahay Puntland.
Gabo-gabo:
Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland iyadoo ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland, isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (𝐈𝐒𝐈𝐒), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub. Dowladda Puntland waxa ka go’an difaaca baddeeda, ammaankeeda, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.