Dadka reer Gaza ayaa Axaddii la kulmay dhimashadii ugu badneyd ee maalin keliya loo gaysto dadka rayidka ah, iyagoo raadsanaya in la siiyo gargaarka bani’aadantinimo ee lagu bixiyo xarumaha ay maamusho Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay aasaastay, Mareykankuna uu taageeray.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in 85 qof siyaabooyin kala duwan loogu dilay goobaha ay hay’addaasi gacanta ku hayso.
Dadka ugu badan ayaa lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u daran, maadaama aan muddo billooyin ah la gayn wax gargaar ah.
Ugu yaraan 79 qof ayaa la sheegay in lagu dilay aagga Isgoyska Zikim ee xuduudda waqooyi ee Gaza, oo Hay’adda GHF ay ka furtay xarun cusub oo lagu bixiyo gargaarka. Madaxa Waaxda Diiwaangelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Zaher Al Waheidi ayaa sidaasi u sheegtay Wakaaladda Wararka AP.
Dad fara-badan oo shacab ah ayaa isugu soo baxay goobta, iyagoo naawilayay in la siin doono gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza ka noqday, waxa ay dadka ugu baahida badan yihiin.
Ahmed Hassouna oo ka mid ahaa dadkii raashiinka u soo doontay goobtaasi ayaa sheegay in si kedis ah ay u soo weerareen taangiyada Ciidamada Israel.
“Waxaa ila socday nin kale oo dhallinyaro ah, waxayna bilaabeen inay nagu soo tuuraan gaaska. Waxay nagu dileen gaaskaas, si dirqi ah ayaan u neefsanayay, waxayna nagu neef qabateeyeen gaaska.” Ayuu Ahmed Hassouna oo la hadlay Al Jazeera.
Goobjoogeyaal kale ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay rasaas ku harqiyeen dadkii masaakiinta ahaa ee soo raadsaday in la siiyo gargaarka.
Muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya rag dhallinyaro u badan oo cararaya, iyadoo la maqlayo rasaas.
Rizeq Betaar oo sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka Ciidamada Israel ayaa Al Jazeera u sheegay in aanay jirin qaab hadda loogu noolaan karo Marinka Gaza.
“Ma jiraan ambalaas, cunto la’aan, nolol la’aan. Ma jirto qaab loo noolaado. Ilaahay ha inoo fududeeyo.” Ayuu yiri Betaar.
Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa AP u sheegtay in 25 baabuur oo gargaar sida ay galeen dhulka ay ku badan yihiin bulshooyinka gaajeysan, sidaasina ay dadka faraha badan u soo dhoobteen goobta.
Ehab Al Zei oo sheegay in uu sugayay in bur ama daqiiq la siiyo ayaa sheegay in ay hareereeyeen taangiyada Ciidamada Israel, ka dibna ay rasaas uga dhigeen sidii roobkii.
Ehab Al Zei ayay AP ka soo xigatay in aanu dib dambe ugu laaban doonin goobtaasi, haddii uu doono gaajaba ha u dhintee.
Nafiz Al Najjar oo ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay qayb ka ahaayeen weerarka, isla-markaana ay si aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadkaasi. Al Najjar ayaa sheegay in uu arkay wiil uu adeer u yahay iyo nin kale oo la toogtay.
Militariga Israel ayaa Xamaas ku eedeeyay in dagaal-yahanadeeda ay goobta ka abuureen fowdo, taasina ay keentay in ciidamadooda ay toogasho ka gaystaan isku imaatin ay ku sugnaayeen kumanaan Falastiiniyiin ah.
In ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu liidato, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AP.
Zaher Al Waheidi, Madaxa Waaxda Diiwaangelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in lix qof oo kale oo gargaar sugayay lagu dilay xarunta ay GHF ku leedahay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Xarumahan ayaa noqday goob ay Israel si toos ah ugu ugaarsaneyso dadka rayidka ah ee gaajada la ildaran, meel kale oo gargaarka ay ka helayaana aysan jiran.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ku dhawaad kun qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay xarumaha hay’addan, ka dib wax ka yar laba bilood oo GHF ay ka shaqeynaysay Gaza.
Israel ayaa 4-tii bishii May aasaastay hay’addan oo Mareykanka uu taageeray, waxayna hay’addu ay 27-kii bishaasi ka shaqo bilowday Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad saddex bilood oo aan wax gargaar ahi la gaynin Gaza.
Israel ayaa hay’addan u igmatay keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza, si ay hoos ugu dhigto qaylo dhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo.
18-kii sano ee ugu dambeysay ee ay Israel go’doominta ku haysay Marinka Gaza ayaa waxay dadka reer Gaza noqdeen kuwo ku tiirsan kaalmada bani’aadantinimo ee hay’adaha gargaarka.
Ka hor dagaalkan, Gaza ayaa waxaa maalintii tagi jiray 500 oo baabuurta xamuulka oo u raran Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee loo tixgeliyo in ay dhexdhexaadka yihiin, isla-markaana ku dhaqma mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada.
Israel ayaa diiday in hay’adihii samafalka ee muddada dheer ka shaqeynayay Gaza ay ka sii shaqeeyaan, iyadoo ku eedeynaysa in gargaarka ay keenaan ay leexsato Xamaas, warkaas oo Qaramada Midoobey iyo Xamaas-ba ay si adag u beeniyeen.
Si kastaba ha-ahaatee tirada Falastiiniyiinta reer Gaza ee la dilay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayaa hadda kor u dhaaftay 59 kun oo qof.