Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan casho sharaf iyo is xogwareysi ah, oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu u sameeyay Xildhibaanada Labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo weeraro la sheegay inay maleeshiyada ku hayso deegaanada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu Xildhibaanada faahfaahin ka siiyay caqabadaha amni ee jira iyo dadaalada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu jiraan sugidda amniga, xoreynta deegaanada ay kooxaha argagixisadu ku sugan yihiin iyo ilaalinta nafta iyo hantida dadka deegaanka.
“Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka qaataan taageeridda dadaalada Dowladda Koonfur Galbeed ee la xiriira amniga, nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada maamulka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo wadatashiga iyo iskaashiga u dhexeeya Hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo mideeyo dadaalada lagu wajahayo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka Koonfur Galbeed.”
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo muddo isbuuc ah ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo uu taageero dheeraad ah ugu raadinayo maamulkiisa, si uu uga gudbo caqabadaha dhinacyada siyaasadda iyo amniga ee soo food saaray.
Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wada guluf ay ku ballaarinayaan awooddooda militar, isla-markaana ay dhul uga qabsanayaan Maamulka Aadan Madoobe.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa riixaya kacdoon lagaga soo horjeedo Aadan Madoobe, isagoona doonaya in uu dib u soo ceshado xukunka iyo Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
