Home Wararka Maanta Al Shabaab oo dhul cusub ka qabsaneysa Gobolka Hiiraan

Al Shabaab oo dhul cusub ka qabsaneysa Gobolka Hiiraan

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa u muuqda kuwo ka faa’iideysanaya xaaladaha isbiirsaday ee ka jira Gobolka Hiiraan, iyagoona is ballaarin ka wada waqooyi bari gobolkaasi.

Khilaafka siyaasadeed ee siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolka qaarkood kala dhexeeya Dowladda Federaalka iyo cadaadiskii militari ee lagu hayay Al Shabaab oo meesha ka baxay ayaa abuuray fursad ay maleeshiyada dhul cusub uga qabsaneyso gobolkaasi.

Khilaafka labada dhinac oo isku bedelay loolan dhanka awoodda maamulka gobolka ah ayaa wiiqay wada-shaqayntii iyo midnimadii lagu wajahayay maleeshiyada.

Iyadoo indhaha Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle ay ku sii jeedaan kulamada siyaasadeed ee looga soo horjeedo ee ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa muuqata in hoos u dhac uu ku yimid feejignaantii lagu la socday dhaqdhaqaaqyada ay Al Shabaab ka waddo gobolka, arrintaas oo halis ku ah amniga dalka.

Hakadka ku yimid cadaadiskii iyo weeraradii ciidan ee ka dhanka ahaa Al Shabaab ayaa maleeshiyada siisay waqti ay ku nastaan, iskuna soo abaabulaan, isla-markaana ay ku qabsadaan dhul cusub.

Shabaabka oo muddada khilaafka dagaalka u soo raray deegaanada dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ayaa qabsanaya deegaanada hoostaga Matabaan, iyagoona haatan qarka u saaran inay maamulaan waddada isku xirta Matabaan iyo Beledweyne.

Dagaal-yahanada Al Shabaab oo maalintii Axadda la wareegay gacan ku haynta deegaanka Coomaad ayaa laga cabsi qabaa inay qabsadaan deegaanka Bacda, oo ah waddada loo maro Matabaan.

Cabsi la mid ah ayaa waxay ka jirtaa deegaanka muhiimka ah ee Beergadiid, kaas oo jihada bari ka xiga deegaanka Coomaad oo isna 25km dhanka bari uga beegan Matabaan.

Beergadiid ayaa waxay saaran tahay waddada weyn ee Gobolka Hiiraan ee xiriirisa Caasimadda Muqdisho, Gobolada Dhexe iyo kuwa Waqooyi, waana marin istiraatiiji ah oo halbowle u ah isku xirka dadweynaha iyo ganacsiga isaga kala gudba qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Haddii la lumiyo Beergadiid ayaa waxay xitaa culeys amni ku keeni kartaa Degmooyinka Feerfeer iyo Jawiil, oo labaduba ku yaala ama u dhow xadka uu gobolkaasi la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Isku darka khilaafka siyaasadeed iyo cadaadis la’aanta ayaa sahlay in Shabaabku ka faa’iideystaaan xaaladdan, ayna xoojiyaan joogitaankooda gobolka.

Khilaafkan ayaa sababay in Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley) iyo qaar ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ay ka baxaan goobihii difaaca, ka dib markii hoggaamiyeyaasha bulshada gobolkaasi ay si weyn uga horyimaadeen dib-u-doorashada Hoggaamiyaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Khilaafka siyaasadeed ayaa kala dhantaalay guulaha Al Shabaab laga gaaray sanadkii 2022, kaas oo ku tiirsanaa iskaashi buuxa oo ay lahaayeen shacabka, Macawiisleyda iyo Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc