Home Wararka Maanta Militariga Somaliya oo u muuqdo mid aan qorshe ka lahayn difaaca Gobolka Hiiraan

Militariga Somaliya oo u muuqdo mid aan qorshe ka lahayn difaaca Gobolka Hiiraan

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan illaa iyo hadda ka hadlin is ballaarinta ay Al Shabaab ka waddo Gobolka Hiiraan, mana soo bandhigin wax qorshe ah oo lagu difaacayo gobolkaas.

Shabaabka ayaa sii xoojinaya dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada waqooyi bari ee gobolka, iyagoo ku baahinaya awooddooda ciidan.

Iyadoo shacabka ku dhaqan gobolkan, gaar ahaan kuwooda ku nool Matabaan, Bacda, Qabno, Beergadiid iyo Jiracle ay walaac ka muujinayaan is bedelada amni ee ka jira gobolka, haddana Taliska Miitariga ayaan weli miiska soo saarin qorshe lagu xoojinayo amniga deegaanada xorta ah.

Aamusnaanta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee qorshe la’aanta difaaca ayaa daba socota is diidooyin siyaasadeed, kala qaybsanaan gudaha ciidamada ah iyo culeysyo militari oo ka jira gobolo kale, sida kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo banneeyay qaar ka mid ah difaacyadii muhiimka ahaa ee ay kaga jireen furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Al Shabaab. Ciidamadan oo uu saameeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya reer Hiiraan iyo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle oo isku dhinac ah ayaa u dhaqaaqay dhanka Magaalada Beledweyne.

Dhaqaaqan ayaa wuxuu ka dhashay khilaafka labada dhinac oo cirka isku shareeray daba-yaaqadii bishii October iyo horaantii bishan November, iyadoo ciidamada ay isugu taggeen Beledweyne, markii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu baaq u diray ciidamada u dhashay gobolka inay ka soo baxaan furimaha, ayna yimaadaan Beledweyne.

Tallaabadan ayaa waxay dalool weyn ku noqotay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo ku mashquulsanaa buuxinta xeryaha ay ka baxayaan Ciidanka AUSSOM ee ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobaha la soo faarujiyay ee Gobolka Hiiraan ayaa la aaminsan yahay inay tahay caqabad cusub oo soo korortay, iyadoo la raadinayay ciidamo lagu wareejiyo xeryaha ay ka guurayaan Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Dhowr kun oo askari oo isugu jira Ciidamada Macawiisleyda iyo Miitariga ayaa haatan ku sugan Beledweyne, iyagoona u jooga inay taageeraan maamul ka madaxbannaan Hirshabelle oo ay suurtagal tahay in halkaasi lagu dhiso.

Saraakiisha Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho ayaa kuu sheegaya in ka bixitaanka ciidamada ee difaacyada hore ee Hiiraan uu abuuray culeys iyo firaaq amni, maadaama Macawiisleyda iyo ciidamada ka soo jeeda gobolkaasi ay laf dhabar u ahaayeen hawlgaladii lagu la dagaalamayay Al Shabaab ee ka socday bartamaha dalka.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ayaa muujinaya in aanu jirin qorshe istiraatiijiyadeed oo lagaga jawaabayo xaaladaha kediska ee ka soo cusboonaada aagagga dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc