Qalqal weyn oo dhinaca amniga ah ayaa ka jira Magaalada Matabaan iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada in la qabsado magaaladaas.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemay magaalada, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay Axaddii dagaal ku qabsadeen deegaanka Coomaad ee waqooyi bari Gobolka Hiiraan.
Horumarka dhanka dhulka ay Shabaabku ka sameeyeen deegaanka hoostaga Magaalada Matabaan ayaa dhaliyay cabsi xoog leh, oo ku aaddan in dagaalka uu ku fido magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka qabsaday Coomaad ay ciidan sahan ah u direen deegaanka Bacda, isla-markaana ay kuwo kale u jiheysteen deegaanka kale ee lagu magacaabo Qabno, iyagoo adeegsanaya waddooyin qarda-jeex ah.
Amniga magaaalada iyo difaaceeda ayaa si weyn ugu tiirsan deegaanadan, iyadoo deegaanka Bacda uu yahay kan ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo amniga Matabaan, marka aad eegto in uu ku yaalo aagga hore ama furinta gobolka.
Shacabka ku nool magaalada ayaa ka cabsi qaba in la difaaci waayo deegaanadan, oo ku yaala waddooyin muhiim ah oo isku xira Matabaan iyo qaybo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
“Ciidamada soo lama rabin inay adkeeyaan difaacyadooda, waxaad arkeysaa in hore iyo gadaal ay u socdaan. Magaalada bannaankeeda waxaa ku sugan ciidamo militari ah iyo Macawiisleyda magaalada, umana muuqdaan kuwa wax difaacaya, maxaa yeelay ma jiro wax amar kala qaadasho ah.” Ayuu yiri Cabdirisaaq Daahir Xaashi oo ka mid ah dadka reer Matabaan.
“Waxaa muuqata dhaqdhaqaaq aan deganeyn iyo isku dhex yaac, mana muuqato inay ciidamada ku jiraan diyaargarow difaac oo dhab ah. Ciidamo Macawiisley ah oo shalay la geeyay deegaanka Bacda ayaa xalay ku soo laabtay magaalada, haddana qaarkood ayaa dib loogu celiyay, taas waxay ku tusineysaa isku duubni la’aan iyo kala amar qaadasho la’aan dhexdooda ka jirta.” Ayuu yiri Cabdirisaaq Daahir oo Universaltv la hadlay.
Iyadoo xaaladda Matabaan aysan fadhin ayaa waxaan jirin Saraakiil ka socota Dowladda Federaalka oo gaaray magaaladaasi, si la isugu dubarido howlaha sugidda amniga iyo difaaca magaalada.
Gobolka Hiiraan oo xudun u ahaa kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa haatan wajahaya xaalad u muuqata inay maleeshiyadu dib ugu soo ceshaneyso gacanta sare ee dagaalka.