Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed (Gobolka Gedo) ayaa gacan ka gaystay in Ciidamada Jubbaland ay maanta la wareegaan gacan ku haynta Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Ciidamadan ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka kala wareegay Xarunta Socdaalka ama Immigration-ka, Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada Beledxaawo iyo barro kaloo ciidan, oo ciidamadaasi ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.
Xoogagan ayaa ka amar qaata Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi), oo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu 17-kii bishii December u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
Al Qaadi ayaa ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunna Waljameeca ee hoggaamineysay dagaal-yahanadii Ahlu Sunna ee maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamay qaybo ka mid ah gobolkaasi, waxayna magacaabiddiisu ka dambeysay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay si adag uga hortimid doorashadii 25-kii bishii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee markii saddexaad xilka madaxtinimada ee Jubbaland loogu soo doortay Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa cashar ka bartay dhacdadii 2020 ee maamulkiisu uu ku lumiyay Gobolka Gedo, ka gadaal markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sharci darro ku tilmaamtay doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 dib loogu soo doortay Axmed Madoobe, taas oo keentay in Dowladda Federaalka ay ciidamo u daabusho gobolkaasi, isla-markaana ay kala furfurto Gudoomiyeyaashii Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ee la safnaa Jubbaland, iyadoona si toos ah u hoos keentay Villa Somalia.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee sanadkii 2023 Maamulka Gobolka Gedo dib u hoos gaysay Jubbaland, waana Villa Somalia oo haatan u muuqato mid mar kale isku dayeyso in gobolkaasi ay hoos keento Dowladda Federaalka, iyadoo ku andacooneysa in doorashadii u dambeysay ee ka dhacday Kismaayo, laguna soo doortay Axmed Madoobe aanay haysan wax sharciyad ah.
Axmed Madoobe ayaa Gudoomiye Al Qaadi u doortay in uu ku wanaagsan yahay abaabulka iyo in uu mar kale dib u soo noolayn karo Xertii Ahlu Sunna ee sanado ka hor la kala diray, isaga oo garowsan in ay ka taageeri karaan in aanan Jubbaland laga fara maroojin maamulka gobolkaasi.
Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ay billihii u dambeeyay hubeynaysay qaar ka mid ah Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Degmooyinka Doolow, Luuq, Beled Xaawo iyo Ceelwaaq, isla-markaana la siiyay dareyska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
Xoogagan oo hadda aad mooddo in qaab beeleed loo abaabulay ayaa waxaa sidoo kale dib u soo celintooda gacan ka gaystay Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo. Madaxweyne Kuxigeenka ayaa horeyba uga warqabay in ay dagaalka ku wanaagsan yihiin.
Xoogagan ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen Degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Garbahaarey oo Xarunta Gobolka Gedo ah, waxay sidoo kale ka qayb qaateen hawlgalo la isugu furay isu socodka waddooyinka ee degmooyinka gobolkaasi qaarkood.
Saamaynta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa yaraatay, ka dib markii la dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland sanadkii 2013, waxayna kaalinteedii gobolka ay gebi ahaanba meesha ka baxday ka dib geerida Hoggaamiyihii Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), kaas oo bishii June ee sanadkii 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Markii ugu dambeysay ee la arko hawlgal ay ka qayb qaadanayaan Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolka Gedo wuxuu ahaa hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ay bishii July ee sanadkii 2015 maleeshiyada Shabaabka kaga saareen Degmada Baardheere. Tan iyo xilligaasi xoogagan ayaan lagu arkin jiidaha hore ee gobolkaasi, sababtu tahay Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, in yar oo ka mid ah mooyee oo ciidamada lagu soo biiriyay, inkastoo meelaha qaarkood uu joogitaankoodu ka sii muuqday.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa mar sii horreysay sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysanaysa wax aysan Dowladda Federaalka ku baraarugsaneyn, oo ah dib u soo celinta awooddii xertaasi.
Gudoomiye Al Qaadi oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Beledxaawo, ka dib qabsashadii ciidamada ay qaybta ka tahay xerta ayaa sheegay in ay dagaalka ku qabteen askar uu sheegay in la soo khalday, ha yeeshee ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.
Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka xun tahay, isla-markaana ay si adag u cambaareynayso fal dembiyeed ay sheegtay in Axmed Madoobe uu ka gaystay Beledxaawo, isagoo adeegsanaya maleeshiyaad ay sheegtay in la khalday.
Wasaaradda ayaa digniin u dirtay maleeshiyadaasi, iyadoona sheegtay in qof kasta oo qayb ka ah dembiyada abaabulan lala tiigsan doono sharciga.
“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida khaldan u isticmaalo eedeysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dembiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Amniga.
Wasaaradda Amniga ma faah faahin waxa ay yihiin maleeshiyadaasi, waxaase cad in ay si uun u farmuuqeyso xerta la hubeeyay ee markan dhinac ka ah Dowladda Federaalka.
Xerta Ahlu Sunna, meel kastoo ay dalka ka joogaan waxaa la tilmaamaa in ay ku wanaagsan yihiin dagaalada, haddii la siiyo qalabka ay u baahan yihiin, sida lagu arkayba Gobolada Gedo, Banaadir iyo Bartamaha Somaliya (Gobolada Dhexe).
Xertan oo kutubo-raac ah ayaa markii ugu horreysay hubka qaadatay sanadkii 2008, markaas oo Al Shabaab ay bilowday inay faafreeb ku sameyso amaba ay burburiso xarumaha ay wax ku bartaan iyo goobaha ay siyaartaan dariiqada Suufida ee Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe. Xoogagan ayaa xilligaasi Al Shabaab ku jebiyay dagaalo ay kula galeen magaalooyin ay ka mid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Xoogagan oo sidoo kale ka aasaasmay qaybo ka mid ah Gobolada Hiiraan, Banaadir iyo Gedo ayaa gacan ka gaystay in Al Shabaab sanadkii 2011 laga saaro Beledweyne, Muqdisho iyo degmooyinka qaar ee Gobolka Gedo.