Home Wararka Maanta Puntland oo wajaheysa cadaadis la xiriira arrinta markabka SEA WORLD

Puntland oo wajaheysa cadaadis la xiriira arrinta markabka SEA WORLD

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay muujisay dabacsanaan, ka dib markii Dowladda Federaalka ay Arbacadii ka dalbatay inay sii deyso markabka xamuulka ee SEA WORLD, haddii kalena ay dowladdu qaadi doonto tallaabo dhanka amniga ah.

Go’aanka Dowladda Federaalka ayaa soo baxay, ka dib maalmo ay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ay xiriiro la sameynayeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, si loo sii daayo markabka hubka wada ee lagu magacaabo SEA WORLD.

War xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Dowladaha Somaliya iyo Turkiga loogu baaqay in ay ka qayb qaataan dhameystirka baaritaanka socda ee hubka saaran markabkaasi, si ay Puntland jid ugu hesho waxa ay ku andacooneysa, ee ah in markabkaasi ay uga shakisan tahay inuu khatar ku yahay amnigeeda.

Ciidanka Badda Puntland ayaa Jimcihii gacanta ku dhigay markabkan, oo wararku sheegayaan in uu ka yimid dalkaasi Turkiga, isla-markaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa markabka kula wareegay deegaanka Bareeda ee Gobolka Bari, waxayna u soo gelbiyeen dhinaca Dekedda Magaalada Boosaaso, halkaas oo tan iyo gelinkii dambe ee Sabtidii uu ku xiran yahay.

Saraakiisha Puntland ayaa xaqiijiyay in markabku uu wado hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba gawaarida gaashaaman ee ciidamada.

Madaxtooyada Puntland ayaa qorsheynaysay in markabka iyo hubkaba ay Warbaahinta ugu soo bandhigto Dekedda Boosaaso, laakiin cadaadiska daahsoon ee bilowgii jiray uu dib u dhigay in ay tallaabadaasi qaaddo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in aan hubkaasi weli laga dejin markabka, marka laga soo tago in ciidamadu ay habeenkii Jimcaha kala deggeen tiro qoryo ah, oo sida la sheegay ay geeyeen xerada ay ku leeyihiin Degmada Caluula ee Gobolka Bari, isla-markaana ay Sabtidii bililiqeysteen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah. Xeer Ilaalinta Puntland ayaa Sabtidii amar ku bixisay in la soo celiyo hubka u gacanta galay dadka shacabka ah iyo in hay’adaha ammaanka ay warbixin ka keenaan cidda ka masuulka ah in hubkaasi la boobo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubno Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka ay si joogta ah ula xiriirayeen Madaxtooyada Puntland, iyaga oo ku riixaya in markabka iyo rarka hubka ah ee saaran la sii daayo.

Masuuliyiinta Puntland ayay wararku sheegayaan in markii hore ay ka caga-jiideen sii deynta markabkaasi, sababtu tahay xiriirka aan wanaagsaneyn ee Puntland kala dhaxeeya Villa Somalia, Shirweynaha Dhameystirka ee SSC Khaatumo ee Magaalada Laascaanood ka socdo oo Dowladda Federaalka ay garwadeen ka tahay, Puntland-na ay diidan tahay iyo cabasho ay ka yihiin in Dowladda Federaalka aanay wax taageero militari iyo mid maaliyadeedba ku bixineynin dagaalka ay Ciidanka Puntland kula jiraan mintidiinta Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Sabtidii qoraal ku sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ee Somaliya iyo hubeynta dhinac gaar ah ay tahay khalad iyo khatar weyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Puntland ay u xusul-duubeyso in qayb ka mid ah hubkani ay qaadato, maadaama uu gacanteeda soo galay, xilli ay baahi u qabto, si ay uga faa’iideysato burburinta Daacishta Somaliya.

Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Isniintii mar uu BBC la hadlay sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay baaritaan ku sameyso markabka iyo hubkaba, tani oo loo fasirtay mid ay Puntland ku gorgortameyso in wax laga siiyo hubkaasi, kolba haddii si kedis ah uu gacanteeda ku soo galay.

Markabka SEA WORLD ayaa la aaminsan yahay in mowjado hirar ah iyo dabeylo ay ku qabsadeen, markii uu marayay xeebta Bareeda, isla-markaana ay socodka safarkiisa hakiyeen dabeylaha xoogan ee xagaaga. Ciidanka Badda Puntland ee halkaasi degan oo arki karay in markabku uu dhaqaaqi la’yahay ayaa doomo yaryar ku tagey goobtii uu ku sugnaa, si ay xaaladda haysata wax uga weydiiyaan, laakiin ay ku kadsoomeen gawaaridii dagaalka ee dushiisa saarnaa, taasina ay keentay inay kor u fuulaan. Ciidamada oo xaqiiqsaday in markabka uu sidoo kale hub fara-badan sido ayaa la soo wadaagay taliskooda, waxaana loo sheegay inay u soo kaxeeyaan dhanka Magaalada Boosaaso.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabarani oo xalay Warbaahinta u akhriyay warka ka soo baxay maamulka ayaase sheegay in ciidamadu ay markabka dushiisa ugu taggeen dhallinyaro kalluumeysato oo sii fuushay, ka hor inta aysan gaarin ciidamada, isla-markaana ay ciidamadu ku guuleysteen in ay ka badbaadiyaan in hantida saaran ay gacanta u gasho dad shacab ah, sida uuyiri.

Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la socda in aysan marmarsiyo ku filan u heli karin in ay si toos ah ula wada wareegaan hubkaasi, haddii ay dareensan yihiin cawaaqibka ay arrintaasi leedahay.

Inkasta oo Puntland aysan hadda xiriir muuqda la lahayn Villa Somalia, haddana waxay iska fiirineysaa dhinaca Turkiga iyo saamaynta ka dhalan karta falcelinta Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Turkigu uu galaangal badan ugu jiro, sidii markabka loo soo fasixi lahaa, iyadoo aanba looga sii darin khilaafka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Puntland ayaa 31-kii bishii March ee sanadkii 2024 hakisay wada shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, tani oo daba socotay cilaaqaadka Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xumaaday bartamihii sanadkii 2023.

Si kastaba ha-ahaatee go’aan kasta oo Puntland ay ka qaadato arrinta markabka ayaa xaaladda sii cusleyn kara amaba dejin kara.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc