Home Dhacdooyin Dad badan oo gaajo ugu geeriyooday Gaza, xilli uu cadaadiska ku kordhayo Israel

Dad badan oo gaajo ugu geeriyooday Gaza, xilli uu cadaadiska ku kordhayo Israel

by Laacib

Dadka reer Gaza ayaa si aan horey loo arkin gaajo ugu dhimanaya Marinka Gaza, taas oo ka dhalatay is hortaagga ay Israel ku hayso in hay’adaha caalamiga ah ay gargaarka keenaan dhulka go’doonsan iyo siyaasadda Israel ay gaajada ugu leynayso dadka rayidka ah.

In ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza ayaa khatar ugu jira in ay gaajo ugu dhintaan gudaha Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay laba qof oo kale oo macluul iyo nafaqo darro ugu geeriyooday Gaza, 24-kii saac ee la so dhaafay, tani oo wadarta guud ee dadka xaaladahaasi u geeriyooday ka dhigeysa ugu yaraan 113 qof, oo ah inta la ogyahay amaba laga warqabo.

Kiisas badan oo xaaladahan la xiriira ayaa toddobaadkan laga diiwaangeliyay Marinka Gaza, waxayna wasaaraddu ka digtay in masiibadii ugu xumeyd ee taariikhda laga diiwaangeliyo dhulka Falastiiniyiinta, haddii aanay Israel qaadin xayiraadaha ay ku hayso gargaarka.

Inkastoo carruurta ay yihiin kuwo ugu nugul ee aan gaajada xamili karin, haddana gaajada daran ee ka jirta Gaza ayaa soo ridaneysa yar iyo weynba, maadaama ay muddo dheer dadku wajahayeen siyaasadda gaajeysiinta ee Israel.

Dad fara-badan oo ku jira da’aadda dhexe ayaa nafaqo darro loo seexiyay isbitaalada harsan ee weli awooda inay ka sii shaqeeyaan Marinka Gaza, iskaba dhaaf kiisaska carruurta oo tiro beel ah.

Ashraf Abou El-Ezz oo ah dhakhtar degan dalka Mareykanka, kana tirsan Kooxda U Doodda Dhakhaatiirta ee Ka Hortagga Xasuuqa ayaa ka digay in haddii gargaarka iyo sahayda caafimaadka aysan si degdeg ah u gelin Gaza, dhibaatada gaajada ee ay Israel soo rogtay ay keeni doonto khasaare ballaaran.

Illaa 100 hay’adood oo ah kuwa ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ayaa maalin ka hor digniin ka soo saaray in xaalad adag oo bani’aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, iyagoona Israel ka dalbaday inay soo celiso hannaankii hore ee gargaar qaybinta ee Gaza.

Hay’adaha Qaramada Midoobey, kuwa caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in Falastiiniyiinta reer Gaza ay wajahayaan macluul baahsan, oo ay sabab u tahay xayiraadaha Israel ee gargaarka.

25 dal oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa Isniintii qaylo dhaan ka soo saaray xaaladda ka sii dareysa ee bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza, waxayna Israel ugu yeereen inay si degdeg ah u soo afjarto dagaalka Gaza, in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka iyo inay si degdeg ah awood ugu siiso Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee bani’aadantinimada inay si badbaado leh oo waxtar leh u gutaan shaqadooda naf badbaadinta.

Dalalkan oo u badan xulafada Israel ee reer Yurub ayaa ka horyimid Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), oo Israel ay bishii May ku wareejisay howlaha gargaar qaybinta ee Gaza, maadaama xarumaha ay maamusho lagu laayo dadka gaajeysan ee gargaarka bani’aadantinimo u soo doonta.

Dalalkan ayaa Israel ku booriyay in ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

In gargaarka ama gaajada loo adeegsado, sida hub oo kale ayaa ah dembi dagaal, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Gobolka Bariga Dhexe iyo dunidaba ayaa waxaa ka jira dareen aad u kacsan, oo lagu diidan yahay dhaqamada Israel ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah. Gaajeysiinta ay Israel ka waddo Gaza iyo dilka aan loo meel dayin ee dadka rayidka ah ayaa xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Farriimaha isa soo taraya ee dunida ka imanaya ayaa Israel looga dalbanaya in ay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah, in ay ogolaato qulqulka gargaarka ee Gaza iyo in ay gebi ahaanba dagaalkan joojiso.

Falalka guracan ee Israel muddooyinkanba ku kordhineysay dembiyadeeda dagaalka iyo xasuuqa shacabka tabaaleysan ayaa sare u qaaday naceybka ku baahaya dunida ee dhawaa iyo dheeraaba cawaaqibka ba’an ku yeelanaya bulshooyinka Yahuudda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc