Carruur kale oo Falastiiniyiin ah ayaa gaajo ugu geeriyooday Marinka Gaza, iyadoo Israel ay sii waddo is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in laba carruur ah ay noqdeen, kuwii ugu dambeeyay ee nafaqo darro iyo gaajo ugu geeriyooda Marinka Gaza.
Wasaaradda ayaa Sabtidan sheegtay in tani ay ka dhigeyso tirada dadka xaaladahan ugu geeriyooday Gaza 120 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 80 carruur ah.
Wasaaradda ayaa tiradan ku sheegtay inta qof ee la ogyahay ee illaa iyo hadda ee gaajada ugu dhintay gudaha Gaza, iyadoona ka digtay in saacadaha soo socda ay tirada intaasi ka badato, laga yaabo in la helo kiisas aan la diiwaangelin oo dhimasho ah amaba in dad hor leh ay gaajo ugu dhiman karaan Marinka Gaza, maadaama ay dadku yihiin kuwo wajahaya macluusha ka dhalatay go’doominka daran ee ay Israel ku hayso dhulka Falastiiniyiinta ee ay colaaddu halakeysay iyo diidmadeeda ku aaddan in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee bani’aadantinimada ka shaqeeya ay kaalmada bani’aadantinimo keenaan Gaza.
Ka dib warka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Maamulka Isbitaalka Al-Shifa ayaa sheegay in shan qof oo kale ay maanta macluul ugu dhinteen Marinka Gaza.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira dhallaan toddobaad uun dhalnaa, kaas oo sida la sheegay u dhintay caano la’aan.
Dhakhaatiirka ka hawlgasha Marinka Gaza ayaa sheegay in si aan la arag ay dadka gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza.
Dhanka kale 31 qof oo dad rayid ah ayaa tan iyo waaberigii saaka lagu dilay Marinka Gaza. 14 ka mid ah dadkan ayaa la sheegay in la dilay, iyagoo gargaar u doonanaya xarumaha ay gargaarka ku bixiso Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), oo ah tan keliya ee ay Israel ogoshahay in ay gargaarka keento Gaza, una qaybiso dadka rayidka ah.
Gaajo daran ayaa ka jirta qaybaha Gaza oo dhan, maadaama ay GHF ku guuldareysatay in ay Gaza keento gargaar bani’aadantinimo oo dabooli kara baahida Falastiiniyiinta reer Gaza.
Hay’adaha caalamiga ah ee samafalka ayaa gargaarka ay hay’addan bixiso ku sheegay dhibic bad ku dhacday oo kale, marka la barbardhigo baahida ay dadku u qabaan in ay helaan baahiyahooda aasaasiga ah.
Israel ayaa ku andacooneysa in ay ka hortageyso in gargaarka uu u gacan galo iska caabinta Falastiiniyiinta, laakiin taasi kama saareyso dembiga dagaal ee ka dhalanaya in ay si ula kac ah u gaajeysiiso, una leyso shacab aan waxba galabsan.