Wararka ka imanaya Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo degmadaasi, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo xaafadaha kore ee magaalada iyo aagga Xerada Ciidanka UK ee duleedka Beledxaawo, iyadoona dagaalka uu maanta galay toddobaadkiisii labaad.
Goobjoogeyaasha ayaa soo sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka socdo xaafadaha bariga ee magaalada, halkaas oo ay ku taal Xerada UK, oo saldhig u ah Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland ahna Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ah mid ay ciidamadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana daryanka sawanka ee qoryaha waaweyn laga maqlaya xaafadaha magaalada oo dhan.
Cabdinaasir Aadan Faarax oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay isku dayayaan in ay xoog ku soo galaan magaalada, balse ay ka hortaagan yihiin kuwa Jubbaland.
Cabdinaasir Aadan ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay Axaddii isku soo fidiyeen qaybo ka mid ah magaalada, ha yeeshee lagu khasbay in ay dib uga gurtaan.
Cabdinaasir Aadan ayaa inoo sheegay in dagaalka maanta uu ka xoogan yahay midkii Isniintii shalay, oo uu ku sheegay in uu goos goos ahaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ciidan ay aad u adeegsanayaan hoobiyeyaal, isla-markaana ay ku soo dhacayaan xaafadaha magaalada.
Dagaalkan toddobaadkii labaad ka socdo Beledxaawo ayaa inta badan dadkii deegaanka ku riixay in ay guryahooda ka barakacaan, waxaana magaalada ka go’an adeegyada isgaarsiinta, korontada iyo biyaha.
Beledxaawo oo lagu tilmaamo magaalada ugu dadka badan ee Gobolka Gedo ayaa hadda haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoo isbitaalada ay u muuqdaan kuwo qura ee iminka ka shaqeynaya magaalada.
Beledxaawo ayaa sidoo kale ah Xarunta Ganacsiga ee Gobolka Gedo, waxayna xuduud la leedahay Kenya iyo Itoobiya.
Isku dhacyada ciidamada ee ka socdo Beledxaawo ayaa magaalada geliyay xaalad dagaal.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ku dagaalamaya gacan ku haynta Beledxaawo.