Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo Saraakiil ciidan u diray Baydhabo

Taliska Militariga oo Saraakiil ciidan u diray Baydhabo

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Saraakiishan howlo shaqo ugu diray Magaalada Baydhabo, si ay gacan uga gaystaan isku xirka ciidamada iyo wada-shaqayntooda.

Saraakiishan ayaa howlo shaqo u tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, si loo xoojiyo isku xirka ciidamada iyo wada-shaqayntooda.

Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 73aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Polizia Militare, Gaashaanle Cabdullaahi Cismaan Jimcaale ayaa la kulmay Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada ku sugan magaaladaasi.

Saraakiishan ayay wararku sheegayaan in ay Taliska Qaybta 60aad kala shaqeynayaan dadaalada lagu xoojinayo isku xirka ciidamada iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah cadowga.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Baydhabo lagu abaabulayo cutubyo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Birmadka Koonfur Galbeed, isla-markaana uu hadafku yahay in ay ciidamadu dib ugu laabtaan Degmooyinka Qansaxdheere, Berdaale iyo Diinsoor, iyagoo markaasi ka dhaqaaqaya Baydhabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale magaalada lagu diyaarinayo ciidamo dadka deegaanka ah, oo ciidamada ka taageera dib u qabsashada degmooyinkaasi.

Abaabulka ciidamada isku dhafka ah ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in la qaado hawlgal wadajir ah, inkastoo aan la aqoon goorta rasmiga ah ee hawlgalkaasi uu bilaaban doono.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhawaan la wareegay Degmooyinka Gobolka Baay, marka laga soo tago Baydhabo.

Tallaabada ay ciidamadan kula wareegeen degmooyinkaasi ayaa culeys amni iyo mid siyaasadeedba ku ah Maamulka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ee Dowladda Federaalka ay bari-taarto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc